Wednesday, February 26, 2014

Maayirka Gaalkacayo oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Kooxo Caruurta Xadda


GaalkacayoGaalkacayo(GNA)-GaalMaamulka Degmada Gaal-kacayo ee Gobolka Mudug ayaa ka digay dad faro baas ku haya Caruurta iyo gaadiidka Beersoosha lagu dhejiyo.




Tan ayaa ka dambeysay ka dib markii Caruur badan lagu xaday Magaalada.




Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad oo arrintan ka hadlayay  ayaa waalidiinta Carruurta dhalay ugu baaqay inay dagaal u diyaar garoobaan lagaga hortegayo dadka caruurta xadda iyo Gawaadhida Bacda madow leh oo halis nabad-gelyada ku ah.




Duqa ayaa waxaa uu waalidiinta ugu baaqay inay xaafadaha magaalada abaabul ka sameeyeen si loo hubiyo dadka aan la aqoon ee ku dhuumanaya  si loo xaqiijyo amaanka loogana hor tago dhibka ay gaysanayaan dadka aan la aqoon.




Laba Qof caruur ah ayaa la hubaa in inta Irbado lagu muday magaalada dib loogu soo celiyay .




Arrintan ayaa dood badan iyo cabsi ka abuurtay Magaalada Gaalkacayo muddooyinkii u dambeeyay.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com