EU(GNA)Ururka Midowga Yurub ayaa fadhi aan caadi ahayn uu maalintii khamiista ka yeeshay xaaladda sii murugoonaysa ee Ukraine go’aano adag kasoo saaray.
Wasiirada arrimaha dibadda ee waddamada ku bahoobay ururka ayaa isku raacay in cunoqabatayn oo safarka dibadda lagu soo rogo dhamaan dadka ka dambeeya rabshadaha iyo in la xayiro hantidooda. Waxay ku eedeyeen in dadka banaanbaxa sameynaaya u adeegsadeen awood xad dhaaf.
Mareykanka ayaa qudhiisu sheegay in uu ka xanibay 21-kamid ah masuuliyinta Dowladda Ukraine fiisooyin.
Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa ku eedeeyay masuuliyinta Ukraine in ay muujiyeen masuuliyad darro.
Balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Levrov oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ayaa kasoo horjeestay go’aanka Midowga Yurub isla markaana cambaareeyay.
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/Somaliland