Wednesday, February 26, 2014

Burco: Shir lagu gorfeeyay Biyaha oo Mashruuc cusub lagu daah-furay


Burco(GNA)-Agaasimaha Guud ee wasaarada Biyaha C/risaaq Jaamac Nuur(C/risaaq Naakhuude) ayaa Maanta Magaalada Burco kusoo Gabagabeeyay Shir lagaga Hadlayay sidii Biyaha maagalada Burco Loo Balaadhin lahaa.




shirkan oo ay kasoo qayb galeen Madaxda Gobolka Togdheer,Kuwa degmada,  Madaxda wasaaradaha Gobolka ayaa waxa aad loogu gorfeeyay xaga Biyaha iyo baahiyaadka ka jira Gobolka iyo magaalada Burco.




vlcsnap-2013-12-29-18h32m18s79




 



 Agaasimaha Guud ee wasaarada Biyaha C/risaaq Jaamac Nuur oo gabagabadii Shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Wasaaraddooda ka go’antahay horumarinta Biyaha Gobolku.




''hadii aanu nahay wasaarada Biyaha way naga Go,antahay inaanu xaga Biyaha Horumarino oo qof wal oo ree somaliland ahiba uu helo Biyo nadiif ah,waxaanu doonaynaa inaanu ka hadalo Biyo balaadhinta Magaalada Burco si aanu u daboolo Baahida Biayaha, magaalada Burco waxaay u baahantahay waa kayd xag Biyahaya ah waxaana hada Mashruuca kaydka u samaynaysa hay,ada IOM,Hay,ada SDF na waxay ka shaqaynayasaa Biyo isku xidhka,Aqoonta shaqaalaha,xisaaabaadka oo kor loo qaadidoono,Qiyaasta Biyaha dhulka hoostiisa ah oo la ilaalinayo.agaasimhu isagoo hadlkiissi sii wata waxa uu yidhi''waxaanu balan qaadaynaa ka wasaarad ahaan anagu aanu wax ka qabano baahida degdega ah wax ka qabano sidoo akle waxaa naga go,an in dadka dantyarta ah ee aan Biyaha talaalan karin Biayaha la gaadhsiiyo”ayuu yidhi.




waxaa iyana halkaa ka hadlay Gudoomiayaha Gobolka Togdheer Maxmed Muuse Diiriye, kaasoo soo dhaweeyay qorshaha Wasaaradda ee Shirka lagu gorfeeyay.




Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi oo isna halkaas ka kadlay ayaa sheegay inay magaalada Burco Biyaha Hodan ku tahay laakiin loo baahanyahay in la gaadhsiiyo.




Faysal Xaashi oo ah la taliye wasaarada biyaha la shaqeeya  oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan SDF ee Biyo balaadhintu wax wayn ka tari doono Biyaha isla markaana faa'iido u leeyahay Gobolka togdheer iyo magaalada Burco.




Ugu danbaynt Maareeyaha Wakaalda Biyaha oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo bandiaga Baahida dhinaca wakaalada ee loo baahanyahay in wax laga qabto.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office