Thursday, February 27, 2014

Kooxda Inter Milan Oo Dooneysa Iney Sansiro Keento Edin Dzeko Iyo Alvaro Morata.


dzeko-and-morataCorriere dello Sport Ayaa daabacday in kooxda Inter Milan ay sameyneyso dhamaadka xili ciyaaredkaan dib u dhis baahsan oo kooxda lagu kala dirayo isla markaana lagu keenayo xidigo dib usoo celiya sumcadii kooxda oo luntay kadib markii Sansiro ka dhaqaajiyay Jose Mourinho oo sanado farxadeed ku sugnaa dalka Talyaaniga.




 




Si Kastaba Inter Milan ayaan saaxada ciyaaraha yurub kasoo muuqan sanadihii dambe tiiyoo ay jirto in xitaa ay awoodi la’dahay iney sameyso bandhig wanaagsan oo qancisa maalqabeenada labada ah ee kooxda Thohir iyo Moratti taas ayaana keentay in kooxda ay sameyso maal galin.




 




Nemanja Vidic  oo ah 32-jir ayaa la filayaa inuu yimaado xagaagan kooxda, sidoo kale Walter Mazzari ayaa dalab u diray kooxaha Manchester City iyo Real Madrid isagoo ka doonaya laba weeraryahan oo aan kooxda ka heysan boosas joogta ah.




 




Edin Dzeko iyo Alvaro Morata ayaa ah labada xidig ee la doonayo in lagu soo biiriyo naadiga Inter Milan dhamaadka xili ciyaareedkaan.




 




Diego Milito, Rodrigo Palacio iyo Ricky Alvarez ayaa gudan waayay waajibaadkii saarnaa taas ayaana qasabtay in laba xidig oo dhanka weerarka ah la dalbo.




 




Ugu dambeyntiina Inter Milan ayaa rajo wanaagsan ka qabta iney war fiican ka heli doonto labadaas kooxood.