Wednesday, February 26, 2014

50 Arday oo lagu dilay Dugsi Waxbarasho ku yaala Nigeria


Arday lagu laayayBundi yadi(GNA)-Kooxo Hubaysan ayaa in ka badan Konton (50) ku dilay Magaalada Buni Yadi ee Waqooyi Bari dalka Nigeria, wax yar ka dib markii Ciidamada Milateriga Nigeria baneeyeen saldhig ay halkaasi ku lahaayen.




Gudoomiyaha gobolka Yobe ayaa ciidammada ammaanka ee Nigeria ku eedeeyay in aanay waxba ka qaban waayeen  weerarrada Boko Xaraam ee dalkaas ka sii socda.




Ibrahim Gaidam ayaa booqday Magaalada Weerarku dhacay.




Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xitaa shan saacadood kaddib markii weerarka uu dhacay aanay jirin xubin ka tirsan ciidamada amniga oo halkaasi tagay.




Ciidammada militeriga ayaa la sheegay inay baneeyeen fariisin ay ku lahaayeen goob ka ag-dhaw Iskuulka uu weerarku ka dhacay saacada yar ka hor intaan la weerarin.




Weerarka lagu qaaday Dugsiga ku yaalla woqooyi bari Nigeria waxaa looga shakisan yahay kooxda Boko Xaraam.




Laakiinse cid sheegatay wali ma jirto.




Ardayda ayaa qaar la toogtay halka qaar kalena la gowracay.




Weerarkan ayaa dhacay muddo ka yar 24 saacadood kaddib markii madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan uu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono xaaladda amni darro ee ka jirto dalkiisa.