Wednesday, February 26, 2014

Xidhiidhka ka dhexeeya Fallaga iyo Miisaanka Magacyada Dadka!Q2.


Waa qaybtii labaad ee Maqaalka Xidhiidhka ka dhexeeya Magaca qofku Xaraka uu ka bilaamo iyo Dabeecadihiisa, shaqo, nololeed iyo siyaasaddeed.




FallagaQaybtii hore waxay inoogu joogtay Xarafka S oo aynu ku falanqaynay shakhsiyaadka magacoodu Xarafkaa ka bilaamo.




Maantana waxaynu eegaynaa Xarafka.




T. wakiilka koritaanka , dheelitirka iyo wada noolaanshaha.




Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo xarafka T waxa lagu tiriyaa kuwo door weyn ka ciyaara dhalinta nabada  iyagoo ugala hab dublamaasiyadeed, awood fiicana siiya, sidoo kale waxay diiradda saaraan inay wax kastaa sidii loogu tallogalay u dhacaan, iyo in guul weyn laga gaadho, ama ay noqdaan taageerayaal iyo dhexdhexaadiyayaal,




waa dadka xarafka ugu horeeyaa uu ku bilaabmo T waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin kuwo ku nool runta, iyo dhexdhexaadinta , kobcinta iyo taageerada dadka kale, waa kuwo inta badan hatafkoodu yahay in la keeno khibraddaha nabadda, iyo wada noolaanshaha, dulqaad iyo samir, wadashaqeyn, inkastoo ay leeyihiin jidhdiidid baahida dadka kale.




waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin guud ahaan dad aan xasilooneyn, kuwaas oo inta badan raadiya jawaabaha su’aalaha ruuxiga ah. Runtana Allaa og.




Dhanka kale (Negative side) Magaca dadka xarafka T ku billaabmo waxay noqon karaa kuwo shucuur aada leh, khiyaamo iyo inay inta badan si fudud u sameeya rayiga dadka kale. Runtana Allaa og.




Xarafka U. Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo xarafka U waxay noqon karaan kuwo soo jiidasho leh, maaweelo iyo bulshaawina ah, waxay lee yihiin caqli boqorada ee raadiya nolosha wacan, quruxda, iyo raaxada dunida, sidoo kale in la abuuro wax qurux badan, inkastoo xoriyada qaabka tamartu si wanaagsan ulla shaqayso inuu sameeyo qaab-dhismeed, qorshe ama hawlaha, waa kuwo oofiya shakhsiyan inay soo bandhigaan, sida dhawaaqa ciyaaraha, rijiyeynta, qaaabaynta, ama taliye degmo.




Waa kuwo hal-abuur ah oo u baahda in la tijaabiyo waxay isticmaalaan, iyo waana kuwo si qoto-dheer wax u jeclaada dareenkoodu una baahan in iyagana sidaas oo kale dadka kale ay u jeclaadaan, inkastoo ay dadka kale ay ka helaan waayo aragnimo oo kala duwan oo leh heer shucuureed,  xidhiidho badan iyo arimaha bulshada, waa kuwo leh hadyado dareen leh, ama aragti ruuxiya, nolosha dadku nool yihiin.




 




Waa dadka xarafka U waxay noqdaan kuwo si fudud qalbigooda dhaawac ugu yimaado, marka jacaylkooda laga horyimaado,  waana kuwo soo jiidan karra hawl-wadayaasha, Runtana Allaa og.




Dhanka kale (Negative side) Magaca dadka xarafka U ku billaabmo waxay noqon karaa kuwo Daneysdayaal, damaaci iyo kuwo aan go’aan qaadasho lahayn. Runtana Allaa og.




Xarafka V.  Wakiil Dhisida iyo Dhismaha Aassaaska adag.




Xarafka V Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo waxa lagu tiriyaa inay leeyihiin astaamaha maamulka iyo qaban-qaabada shaqaalaha, waxaanay awood u leeyihiin abaabulka hawl-galada, iyo inay leeyihiin diyaarin dabiiciya iyo dhameystirka shaqo ama mashruuc kasta oo ay bilaabaan, dulqaad leh, aan ka cabsan dhameystirka shaqada adag, raacana dannaha iyo aragtida fog,  daacadnimo, waa kuwo go’aan leh, dhinaca amaanka iyo badbaadada. Runtana Allaa og.




Dhanka kale (Negative side) Magaca dadka xarafka V ku billaabmo waxay noqon karaa kuwo illaa xad bilaa naxariis ah. Runtana Allaa og.




Qorre: Maxamed Faarax Axmed




Cilmi Baadhe iyo Qoraa




Email: mfqoti@gmail.com