Thursday, February 27, 2014

Daawo: Ardayda Jaamacaddaha Hargeysa oo Xisbiga Waddani ku biiray


Hoos ka Daawo: Ardayda oo Dareen Taageero u muujisay Waddani iyo Guddoomiye Cirro oo ka dalbaday in Kursiga lala doono..




SONY DSC




Hargeysa(GNA)-Munaasibada balaadhan oo si heersara ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana  Ardayda Jaaamacadaha dalku ay siwada jira ay ugu biiireen Xibiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa maanta kadhacday Hotel Ambasador ee Magaalada Hargaysa .



Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi(Cabdiraxmaan cirro),Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga Xasan Guure, Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI , Xoghayaha Xisbiga, Xildhibaano, Ardayda Jaamacadaha, iyo Taageerayaal Aad u tiro badan .SONY DSC




 



Waxaana ay munaasibadani ahayd mid ay cududooda ay ku muujinayaan Ardayda Jaamacadaha Hargaysa sidii ay isbadal dhaba ah uu Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu  ugu horseedi lahaa gabi ahaanba dhalinyarada kala duwan ee dalka lana barbartaagan yihiiin taageero  aad ubadan.




 



SONY DSC



Gudoomiyaha Gobalka Maroodi jeex ee xisbiga WADDANI Shiine,Agaasimihii hore ee Wasaarada Ciyaaraha iyo Maxamed Sidiiq oo isaguna ku hadlaayey afka Dhalinyarta Xisbiga WADDANI ayaa  waxaa ay si aada u so odhaweeyeen ku soo biiritaanka ay Ardayda Jaamacadaha Dalku ay ku soo biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.SONY DSC 




Ardayda Jaamacadaha Hargaysa oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ay si aada u soo bandhigeen dareenkooda ku wajahan ka mid noqoshada Xibiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxaana ay iftiimiyeen in ay si aada  ugu farax sanyihiin in maanta ay si toosa cududooda ay ugu taageeraan Xisbiga WADDANI, waxaana ay sida oo kale ay xuseen in markii ay baadhitaano badan oo dhinaca xisbiyada ah sameeyeen ay  ogaadeen in maanta cida kaliya ee mustaqbalka dhaliyarada wax teri kartaa ay tahay Xisbiga WADDANI, sidaa awgeedna ay ku soo biyo shubteen in maanta ay ku biiraan Xisbiga WADDANI.




Waxaa isaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga Xasan Guure Jaamac,waxaana uu dareenkii ku cabiray in maanta uu si aad ugu farax sanyahay in uu goob joog uu  ka ahaado Ardayda Jaamacadaha Haragaysa oo ku biiraya xisbiga wadani, waxaana u usheegay in baahiyaha aad ka u tirada badan ee ay sida aadka ah dhalinyaradu u tabayaan la doonayo in Xibiga WADDANI uu ka dhabeeyo wax kaqabashadeeda, si ay dhaliyartu uga haraad baxdo daalka aadka u faraha badan ee ay ka qaadeen shaqal’aanta baahsan ee dalka saamaysay.




Xildhibaan Rayte oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu dhiniciisa isna uu si aad u soo dhaweeyey ardayda ku soo biirtey Xisbiga WADDANI “…..waxaan marka hore jecelahay inaan soo dhaweeyo ardayda jaamacadaha ee kusoo biiray xisbigan waddani,waxaan leeyahay waa asiibteen taladii sababtoo ah waxaad tihiin hogaankii mustaqbalka, hogaankii barito, xibiganina waa xisbigii mustaqbalka, talo idinma seegin ,waxaan jecelahay oo aan idinku dhiiri galinayaa in aad abaabulkiina iyo hawshiina aad sii wadaan, waxaanan idin leeyahay dhamaystira oo xisbiga wadani ku hubsada kursiga…”. Ayuu yidhi Xildhibaan RayteSONY DSC




 




Waxaana uu sida oo kale xildhibaan rayte uu sheegay in aan xukuumada hada jirta marnaba aan laga aqbali doonin in ay muda kordhin  samaysato




 




Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Axmed Muumin Seed  iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Uurcade oo iyaguna madashaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa waxaa ay si aada u soo dhaweeyeen cududa aadka u mihimka ah ee ku soo biirtay xisbiga waddani, waxaana ay sida oo kale si midaysan ay uga hadleen mudo kordhinta maalmihii udanbeeyey sida aadka ah ay Xukuumadu dhagaha dadka ku soo tuuraysa, waxaana ay sheegeen in aan marnaba xisbiga wadani aanu aqabali doonin I mudo kordhin lasameeyo.




 




Gabagabadii oo Munaasbadaasi u usoo Gunaanaday Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isna sida oo kale waxaa uu ugu horeyn soo dhaweeyey Garabka ardayda jaamacadaha Hargaysa ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana uu u balan qaaday in ay baal dahaba oo muhim ah ay ka galidoonaan tariikhda Xisbiga WADDANI, sida oo kalena ay wadashaqayn dhow wada yeelan doonaan  waxaana kamid ahaa hadaladiisii”….waxaan maanta leeyahay xafladani waxaa ay xafladaha kaga duwantahay, waxa  weeyeardaydu iyaga ayaa xisbiga xaflada u qabtay, ardaydu waxaa ay samaysteen dalad  ay ku midaynayaan jaamacdaha Hargaysa, waxaa kale oo qorshahooda ku jira inay mideeyaan jaamacadaha Somaliland,markaa daladaasi fikirka maanta aynu halkaasi isagu nimi iyaga ayaa lahaa, waxa ay maanta halkan ku samaysteen maaha xubno ee waa hawl wadeeno ay u qaybiyeen inay hawsha isku duba ridaan iyo xidhiidhinta jamaacadaha hargasya, marka reerahu Guurayaan ama Dhaqanka Somalida,waxa kamida in loo sahan tago markaa boqol iyo afartan kaasi waa ay soo sahan tageen oo waxaan u malaynayaa asxaabta kalena waa ay soo mareen sahankiina halkan ayey reerka usoo rareen aad iyo aadbaanan idiin soo dhawayneynaa”.




 



SONY DSC



Halkan ka Daawo: Muuqaal Xafladda kulanka oo dhamaystiran:




Gobanimonews




Hargeysa Office




 


http://www.youtube.com/watch?v=kEQ5jD1bWYM