Thursday, February 27, 2014

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday


Muqdisho(GNA)-Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Degmada Muqdisho Maxamed Tarsan ayaa xilkii laga qaaday .




TarsannWareegto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab)




Wareegtada ayaa lagu xusay in magacaabidan ay timid ka markii uu Madaxweynuhu dhegeystay talooyin iyo soo jeedin ka timid Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia.




Markii uu ogaaday in ay jirto baahida loo qabo in loo magacaabo guddoomiye cusub ee gobolka, Markii uu tixgeliyay waaya aragnimada uu mudanuhu u leeyahay maamulka, garsoorka iyo nabadgelyada ayaa Waxaa loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.




Gudoomiyaha xilka haya hadda ee gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho laga qaaday Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wareegtada lagu xusay hadda in xilka laga qaaday.




 “Waxaa waajib ku ah hay’adaha kala ah ciidanka booliska, qeybta gobolka Banaadir, iyo Hay’adda Nabad-sugidda Qeybta Gobolka benaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.




Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) aya horey u ahaa gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia, waxaa magacaabidiisa ay ku soo beegantay xili amaanka Muqdisho uu faraha ka sii baxayo, lamana oga waxa uu ka bedeli karo.




Gudoomiyaha xilka baneynaya ee gobolka Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo xilkaas soo hayey muddo sanado ah ayaa wax badan ka qabtay bilicda iyo adeegyada bulshada caasimada, wuxuuna dhowaan iska diiday wasiir kuxigeen loo magacaabay.




Gobanimonews




Muqdisho Office