Monday, February 24, 2014

Xukuumadda oo dib u faadh-faadhaysa Utuntii qaybyaalada ee ay Burco ku aastay


Dhalinyarada oo loo abaabulay inay qayb ka noqdaan dabar-goynta Qabyaaladda iyo Wasiir dhibco ku samaystay mashruucan..




 



Xaflad-02



Burco(GNA)-Wasiiru-dawalaha wasaarada Maaliyada Cismaan Cabdulaahi Saxardiid ayaa todobaadkii u danbeeyay magaalada Burco ka waday olole ka dhan ah qabyaalada, isla markaana lagu dhiirigalinayo is dhex-galka  dhalinyarada gobolka Togdheer.




Kala qaybsanaan Bulsho oo Magaalada ka taagnayd ilaa sanadkii hore ayaa loo aanaynayaa inay qabyaaladu xudun u tahay .




Munaasibad xalay lagu qabtay huteel Cigaal ee Burco oo lagu soo afjaray ololaha wacyigalinta dhalinyarada oo Wasiir u dawlaha Maaliyaddu ka waday goobaha bulshada ayaa lagaga dhawaaqay Urur Dhalinyaro oo loo xilsaaray dabar-goynta qabyaaladda.




Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi oo ka mid ahaa xubnaha wasiiru-dawalaha kala shaqeeyay arintan  ayaa ugu horayn hadal uu ka jeediyay xafladda kaga warbixiyay talaabooyinka ay qaadeen iyo waxa uga qabsoomay.




 “Hawshan in mudo ah ayaanu ku jiray intii aanu wadanay waxaan la soo shirnay dhamaan iskuulada magaalada waxaanu dhamaan la shirnay dhalinyarada afarta waaxood ee magaalada Burco, waxaana natiijadii ugu danbaysay dhalinyarda reer Burco loo soo xulay shan iyo sodon dhalinyaro ah oo qabyaalada ka wacyi galisa”ayuu yidhi.




Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mushkulada ay kow ka tahayn in sidii dalka loogu soo noqday aan wax wacyigalin ah loo samayn dhalinyarada.




Xaflada-06




 



Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad kaas oo isna sheegay inuu dhalinyarada is barbar taagi doono oo uu ka shaqayn dooni sidii ay isku dhexgali lahayd.




Wasiir u Dawlaha Maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid oo ka hadlay halkaasi ayaa isaguna sheegay in intii uu joogay uu maray ilaa lix iskuul, kuwaasoo uu ardayda kala hadlay arrintan.




Waxaanu yidhi “Halkan waxaa fadhiya shan iyo sodon dhalinyaro ah oo aanaan soo dooran oo iyagu isasoo xulay, ilaa xiligii ay ciyaaruhu dhaceen Burco far baa ku godnayd, dadka qaarba waxbay qabeen qaar waxay qabeen in salaadiinta lala hadlo, qaar odayaasha lala hadlo, laakiin anigu waxaan qabay in dhalinta lala hadlo, taasaana sababtay inaan Burco ku hadho oo aan madaxwaynaha ku idhaahdo waxaan ku hadhayaa oo dhalinyarada Burco ayaan warysanayaa, dhalintii markaan waraystay waxaa ka mid ahaa waxay yidhaaheed shaqadii ayaa lagu qorayaa, odayaal ayaa qabyaalada nagu soo dhextuura.




 



Xaflada-05



Wasaarada waxbarshada waxaan leeyahay isku bedela maamulayaasha yaanu qofku meel iska yeelan, dhalinyaradaasi waa shan iyo sodon Gudoomiye ku xigeeno, Xogahaye, waxaanan ree Burco leeyahay inaad garbaha qabataan, hadii aad madaxda Gobolka tihiin waa inaad cadaalada ku shaqaysaan oo aydaan kala jelaysan”ayuu yidhi Cismaan Saxardiid.




Afhayeenka dhaliyarada Gobolka Mubaarig Yuusuf  iyo xubno kale oo dhalinta ka mid ah ayaa sheeagay iyaguna in maanta ay dhalintu isku duubantahay.




Ma cadda waxa talaabooyinka Xukuumaddu ka bedeli doono cunfiga iyo kala qaybsanaanta Bulsho ee magaalo madaxda Gobolka dib u dhac ku keentay, taasoo ay muddo dheer xukuumaddu waxba ka qaban wayday, balse xili ay xadhkaha goosatay ku hambabartay.




“dadka reer Burco dad dano siyaasaddeed wata ayaa ku soo dhex tuuray qabyaaladda ee wax iyaga ka dhexeeyaa ma jiraan, waxaana ugu horeeya kuwa bulshada kala qaybiyay Xukuumadda talada haysa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Wax-garadka Gobolka khadar magaciisa ku soo gaabiyay.




Siyaasiyiinta Gobolka ee Maamulka Taageersan ayaa aaminsan in Odeyaasha dhaqanku abuureen xanafta qabyaalada, hase ahaatee taa bedelkeeda waxa dareenka Bulshada laga dhadhansanayaa in markasta hadal heynta iyo ku dhaqanka qabyaaladdu salka ku hayay tabasho maamul iyo diidmo siyaasaddeed oo dadka lagu khasbay.




Taasoo ay qayb ka ahaayeen Saraakiil dawladda Gobolka u jooga iyo Masuuliyiin ku jira Xukuumadda, sida Wasiirro ka soo jeedda gobolkan oo Madaxweynaha dalku ka soo jeeddo.




Si kastaba ha ahaatee talaabooyinka Xukuumaddu hada ku dabiibayso qabyaaldda ayaan sida muuqata lagu ilaali doonin Dhacdooyinkii Magaalada ka dhacay intii Mashruuca Siyaasiga ahi socday, dhacdooyinkaasoo sumad dheeraada ku ah hogaanka dalka iyo xukuumaddiisa.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com