Thursday, February 27, 2014

Al-shabaab oo sheegatay Qarax lagu dilay 5 Askari iyo tobaneeyo Shacah ah + Sawiro


Qr2




Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay ilaa shan iyo toban kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo  Qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo lagu beegsaday Xarunta Taliska Nabad-sugida Somalia.



Shan ka mida dadka dhintay ayaa ah askar ka tirsan Ciidanka nabad sugida Qaranka.




Goob-joogeyaal ayaa sheegay in Askari ka tirsan nabad-sugidu gaadhi ku xameeyay goobta Qaraxu ka dhacay , kaasoo la tuhunsanyahay inuu qayb ka ahaa weerarka.




 



Qarax



“Waxaan   fadhiyay meel makhaayad ah oo aan shaah ka cabayay dabadeed dushaa waxa igaga soo dhacay qof dhiig ka da’ayo”sidaasi waxa sheegay goob-jooge ka agdhawaa goobta Qaraxu ka dhacay.




Sarkaal katirsan Ururka Al-shabaab  ayaa sheegay in ay mas'uul ka ahaayeen weerarkii maanta.




Dhinaca kale, idaacadda Andalus xarunteeda magaalada Ceelbuur ayaa baahisay in xarakada Al Shabaab ay sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.




Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Qarax xoogan lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba loo geystay Dad isugu jira shacab, Masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo Saraakiil Q.M u shaqaynayay.




Qaraxa ayaa dhacay daqiiqado yar  ka hor intaan madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u soo bixin Salaadda Jimcaha, iyadoo la weeraray Masaajidka uu ku tukan lahaa.




Weeraradda Caynkan ah ayaa Muujinaya in amaanka Magaalada Muqdisho soo xumaanayo laba sanadood oo uu degenaa ka dib.Qarax1 Qarax23




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com