Tuesday, February 25, 2014

Saraakiisha Caafimaadka iyo Bisha Cas ee Togdheer oo iska difaacay Eeddaymo Bulsho


vlcsnap-2014-02-08-17h27m28s48Burco(GNA)-Saraakiisha Wasaaradda  Caafimaadka iyo Hay’adda Bisha cas ee Gobolka Togdheer ayaa iska fogeeyay Eedeyn looga soo jeediyay qaabka loo maamulay Gaadhi Ambulance ah oo degmada Oodweyne leedahay.




Gaadhigan oo qayb libaax ka qaadan jiray gurmadka xaaladaha Caafimaad ee Degmada iyo Gobolkaba ayaa la sheegay inuu cilad farsamo muddo u fadhiyay, balse ay dhawaan Hay’adda Bisha Cas dayactir ku smaaysay.




Isuduwaha wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Cabdi Yaasiin X.Saleebaan iyo Gudoomiyaha Hay,ada Bisha Cas Cabdi Cawil  oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco Maanta ayaa meesha ka saaray warar soo baxayay oo sheegayay in Gaadhigaasi labada dhinac kala kiraysteen.




Isuduwaha Wasaarada Cafimaadka  Cabdi yaasiin oo arimahaas shirka jaraa'id kaga hadlay, ayaa  yidhi ''Waxaa jira gaadhi ambalaas ah oo ay degmada oodwayne leedahay oo uu dahabshiil u iibiyay Gaadhigii wuu jabay oo degmaduu yaalay markii cid samaysa la waayay,anagaa kicinay Waxaana jira  Mashruuc  caafimaad oo  hay,ada Bisha cas ay ka Fuliso labada Gobol ee Saraar iyo Daad madheedh oodwayne iaydaana naga caawisa oo labadaa Gobol gacanta ku haysa.




hadana Ambalaskii oodwayne Xaaji saalax Buu joogaa oo uu hawl u tagay,Hay,ada Bisha casina waxay taageeraysaa inuu dadka u shaqeeyo Kharashka ayuun bay ka Bixisaa,Ambalaskii Burco Xanaanada ayuu yaalaa ka oodawaynena kaas uun buu la mid yahay”ayuu yidhi.




Isuduwuhu isagoo hadlkiisii sii wata waxa uu yidhi “cid la siiyay iyo cid lag kireeyay toona ma jirto Bisha casina gacanta ayay ku haysaa oo kharashka ayay bixisaa sida hay,adaha kale caafimaadka gacanta ugu hayaan,Amabalskana waa loo hagaajiyay oo loo dayactiray,Qofkasta oo xaalad caafimaad u baahana waa loo soo qabtaa oo habeen Hore markii ay dadku cabanyeeen hadlayeen Burco ayuu joogay oo shaqo u yimi”.




Gudoomiyaha Bisha cas Cabdi Cawil oo isna sh irkaas Jaraa'id ka hadlay ayaa ku dooday inaanay Hay’addoodu kiraysan Gaadhigan.




''Baabuurkani wuu fadhiista dadbeed na isuduwaha ayaa nagala hadlay si aanu u samayno,dabadeed anagaa samaynayid cidkale may samayn oo laba kun iyo sideed Boqol baa nagaga baxay Gacantaanu ku haynaa ,anaguna deeq bixiyayaal baanu nahay,nalaman siin mana lihin,shidaalkaanu ka bixinaa darawlkana Mushaharka ayaanu ka bixinaa,hadana amarka  wasaaraduu xaaji saalax ku jiraa”.




Hadalka Masuuliyiintan ayaa daba socda Cabasho ba’an oo dhawaan ka soo yeedhaysay Bulshada ku dhaqan degmada Oodweyne kuwaasoo ka cawday hoos u dhac ku yimi Adeegyada Caafimaadka iyo Gaadhiga Gurmadka Deg-dega ah loogu talo galay oo la saluugay adeeg bixintiisa.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office