Tuesday, February 25, 2014

Awdal: Wasiirka Beeraha Agab Ciyaareed u geeyay Dhalinyarada Dilla


images675Dilla-(GNA)-Wasiirka wasaaradda Beeraha ee JSL Proffosor Faarax Cilmi Geedoole oo socdaal shaqo ku jooga Gobolka Awdal ayaa maanta agab kala duwan oo dhinaca ciyaaraha ah ku wareejiyey maamulka Degmada Dila ee Gobolkaasi.




Agabkan oo isugu jira dhar iyo kabaha ciyaaraha oo ay ku deeqday Hay’adda Live Intranational ayaa loogu talo galay ardayda yaryar ee dhigata dugsiyada degmadaasi.




Munaasabadda wasiirka Beeruhu ku wareejinayey deeqdaasi waxaa ka soo qayb galay Xildhibaan Cabdilaahi cali oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, wasiirkii hore ee Hawlaha guud Proffosor Ismaaciil Muumin Aar, Mayor-ka Magaalada dila Md Ibraahin Cabdi Xaaji iyo Gudoomiyaha gudida horumarka ee degmadaasi Md Maxamed Daahir Ibraahin.




Hadal uu wasiirku ka jeediyey munaasabadaasi waxa uu sheegay in socdaalkooda magaalada Gobolkaasi ay qayb ka tahay dhiirrigelin iyo wacyigelin ay ka samaynayaan sidii loo dhamaystiri lahaa dib u hagaajinta wadada beeraleydu isticmaalaan ee u dhexaysa magaalooyinka dila iyo Ruqqi, taasoo dib u habayn lagu sameeyaa ay suurogal ka dhigayso sidii ay bulshada beeraleyda ahi dalagga beerahooda u gaadhsiin lahaayeen Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.




Dhanka kalena dadweynaha deegaankaasi ayaa ku bogaadiyey wasiirka wasaaradda madaxtooyada Md Xirsi cali X xasan oo sidoo kale ah gudoomiyaha Gudida dib u dhiska waddooyinka dalka dadaaladii uu ka gaystay dib u hagaajinta waddadaasi oo halbowle u ah horumar ay mustaqbalka gaadhaan dadweynaha aagaasi ku dhaqan, halka sidoo kalena ay dadweynaha degmada dila iyo nawaaxigeedu ka codsadeen wasiirka iyo guud ahaan gudida waddooyinka inay u dhamaystiraan dib u hagaajintii lagu hayey wadadaasi.”




Gobanimo news




Borama office