Friday, February 28, 2014

Xukumadda Siilaanyo u Kordhinteeda Dadku Abateed Uma Hayo?


XUKUMADII HORE MUDO KORDHINTOODII DADKU RAALIBAY KA AHAAYEENE, TAN(KULMIYE) ABATEED CIDI UMA HAYSO.




Dadwaynaha sharafta leh ee Somaliland oo dhan waan salaamayaa gude iyo dibadba: Asalaamu Calaykum. Waxaan raacinayaa, walee libta shacbiga Somaliland u soo hooyay baarlamanka ayaanan cidkale ku sheegin. Waxa sababay in baarlamaanka Faraha lagala baxo waa cududa iyo feejignaanta shacabka Somaliland. Guurtiduna way ku mahadsanyihiin siday xaajada u galeen, laakiin laftoodu shacbiga qaylo-dhaantiisii meelkasta ka imanaysay ayay meel ay ka maraan waayeen.




Waxa ii raaca, niman aanu udub-tii isku ahayn, oo aan islahaa marhadii ay xagii hore ka muxaafidoobi waayeen waxay ku ekaanayaan Mucaaridnimo, ayaa iminka hanqalka u taagaya Xil!




 




Oo yay ka doonayaan? Waxay ka doonayaan Dawladan loo tirinayo maalmaha u hadhay! Dadku abateed uma hayaan maamulkan maanta jira. Arintan waxaan ku cadaynayaa, hadii ale yidhaa marka xukumadan kulmiye galbato, waxa hal-hays noqon doonta su’aal lays waydiiyo oo ah: Ma garanaysaan Barigii aynu Kulmiye dooranay, ee Somalilandtu jaan-jaantay!!?




 




Oo maxay la jaanjaantay!!? Dee waxay la jaan-jaantay: madaxwayne siilaanyo ayaa gudi miidhan arlada ka dhigay. Markaasii haba Gudi badnaadee, sidii Signal/Guluubka marna kala diraa marna yidhaa waar way magacaabantay. Sida tan Kulmiye ee iminka tidhi waanu turxaan saarnay Kulmiye, Sawkii M/Wayne Siilaanyo kala diray ka hor safarkiisii u dambeeyay!




 




Waxa kale oo ay la jaanjaantay, maxaweyne siilaanyo ayaa lagu yidhi: M/wayne xagee u socdaalaysaan? M/waynii wuxuu waydiiyay nin WaftiRaace ah oo uu ku yidhi: Horta halkaynu ku soconay !!!?? intaanu kii jawaabin ayaa ku kale yidhi: Eeyaahe ee Jabuuti dheh!!!!!




 




Waxa la xusi iyana oo la odhan: miyaydaan garanayn barigii ciyaal madaxtooyada joogaa Hablaha xidhxidhi jireen, ee markii dambe ay baarlamaan, beelo iyo odayaalba u hanjabi jireen, ee aanay hadana Ri Gees ka ridin markii shacbigii kusoo jeestay!!!




 




Hadaanay ilaawin Ilma-Iswanaaje: Madaxwaynuu Qudbadsanadeedkii ayuu Baarlamanka ka hor cadeeyay inaanu doonay in maalin loogu daro.




 




Hadaba Saaxiibaday waxaan leeyay: Xilku in laguu garto ayuu xurmo iyo sharaf ku leeyahay. Laakiin waa karaamo guurteene, dalku uma baahna Xukumadan aydin hanqalka u taagaysaan in loo kordhiyo. Mudo kordhintii Cigaal ama Riyaale bahal cilmiyaysan oo laga raali yahay ayay ahayd, Dawlad la nacay mudo kordhinteedu waa Fowdo hor leh. Ina dhoola yare wasiirkii horee udub oo malaa XIL DOON LA IL-GO’AY (isagoo dhuubtay ayaan arkee) iyo Cismaan Hindi oo laga dhigay sidii Raysal Wasaarenimadii Cumar Carte ee Siyaadoo sii dhacaya xilka loo dhiibay, ayaa ninkii siyaasiga ahaa ee Cismaan Hindina la yidhi: Shini Caydha soo qabqabo!




F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.




SANWAA CUMAR YARE




E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com