Friday, January 31, 2014

Musharrax Jamaal oo soo dhaweeyey in Dad Somaliland ka soo jeeda Xilal looga magacaabo Puntland


gaahHargeysa(GNA):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo dhaweeyey in Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland dad dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda inuu Xukuumaddiisa xilal uga magacaabo




amaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Maanta Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa. “Puntland dhawaan waxay Magacowday  Wasiirro badan oo ka soo jeeda Somaliland, way fiican tahay inay Magacaabaan oo wax dhibaato ah anigu uma arko. Laakiin, waxaan ka dardaar-warinayaa in Madaxwaynaha cusub ee Puntland aanu wax carqalad ah ku keenin Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.




 




Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxa uu baaq u diray Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxaanu yidhi; “Madaxwaynaha cusub-na waxaanu ka rejaynaynaa inuu nabad iyo wanaag kula noolaado, Somaliland-na aanad dagaal u horseedin.”




 




Jamaal Cali Xuseen waa Siyaasigii ugu horreeyey Siyaasiyiinta Somaliland ee si cad sidan oo kale shaaca uga qaada inay fiican tahay in Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas dad dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda uu ku soo daro Xukuumadda uu dorraad ku dhawaaqay




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/somaliland