Monday, February 24, 2014

Maareeyaha Wakaalada Horu Marinta Wadooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Wax Qabadka Wakaalada Wixii Ka Danbeeyey Markii La Sameeyey


xasan Hargeysa(GNA):-maareeyaha wakaalada horu marinta waddooyinka somaliland Proff: Xasan Cali Cismaan ayaa ka hadlay wax qabadka wakaalada horu marinta waddooyinka.




Maareeyaha oo ka hadlayey munaasibad lagu soo bandhigayey qalabka loogu tala galay dhismaha waddooyinka Somaliland oo lagu qabtay xarunta wakaalada horu marinta wadooyinka ayaa waxa uu sheegay in mudadii ay wakalaadu jirtay ay u qabsoontay hawlo badan oo la xidhiidha dhismaha waddooyinka iyo dayac tirkoodaba.




Ugu horayn maareeyaha wakaalada horu marinta waddooyinka oo ka hadlaya waxyaalaha u qabsoomay wakaaladaas intii ka danbaysay markii madaxweynaha Somaliland uu digreetada ku sameeyey ayaa waxa uu yidhi “ markii madaxweynaha Somaliland soo saaray digreetadii lagu aa aasay wakaalada horu marinta wadooyinka Somaliland waxa u qabsoomay hawlo badan oo muhiim ah oo ay ka mid tahay waddooyinka dhisan iyo qalabka loogu tala galay dhismahooda, mudadii ay wakaaladani jirtay waxa qabsoomay in wadada isku xidha Dila iyo Boorame la dhamaystiray , waxa ku xiga wadada Wajaale iyo Kala baydh oo gaba gabo ku dhaw, waxa gacanta lagu hayaa wadada Salaxlay iyo Hargeysa, waxa ku xiga wadada Dawga Cad, Waxaana haatan bilaw ah waddooyinka Alay Baday Iyo Balli-gubadle kuwaas oo hawshoodu hada socota.”
Maareeyaha wakaalada horu marinta wadooyinka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay wadooyinka ay dayac tireen mudadii ay wakaaladu jirtay iyo kuwa u qorshaysan inay dhisaan waxaanu yidhi “dhinaca dayac tirka marka aynu ka hadalno waxa la dayac tiray oo ilaa hada socda wadada Berbera iyo Hargeysa, waxa kale oo lagu jiraa dayac tirkeeda wadada Berbera iyo Sheekh, waxa kale oo qorshaheedu socdaa wadada isku xidha Kala Baydh iyo Dila, hamiga xukuumaduna waxa weeyaan wadada Isku xidha Ceerigaabo iyo Burco,” ayuu yidhi maareeyaha wakaalada horu marinta waddooyinka Somaliland




Gobanimo news




Hargaysa office