Wednesday, February 26, 2014

Jose Mourinho oo ka hadlay Kulanka Adag Ee Chelsea la yeelan doonto Galatasaray?


mourinho




Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa qabtay shirkiisa jaraa,id ee ka hor kulanka habeen danbe ay kooxdiisa Chelsea ay marti u noqn doonto kooxda Galatasaray.




 




Mourinho ayaa ku bilaabay shirkiisa jaraa,id “Waa kulan adag, dhabtii masugi karo inaan la ciyaaro kooxaha ugu waa wayn yurub oo ay ka mid tahay Galatasaray”.




 




“Sanadkii hore markii aan halkaan ku ciyaarnay arinku aad ayuu noogu adkaay, sanadkaan oo aan wato Chelsea arinku sidii hore wax badan kama duwana”.




 




“Manihin kuwo u sharaxan inay ku guulaystaan Premier League xili ciyaareed kaan, laakiin koox marka ay koob ka gaarto rubac dhamaadka wax walbo waa suuro gal sidas darteed wareegaan inaan ka gudubno muhiim ayeey inoo tahay”.




 




“Marka lafiiriyo kulamada lugta koowaad, labaad iyo goolal tirsiga waxaa soo muuqanaaya wax yaalo badan oo lama filaan ah laakiin waxaa jira afar ilaa shan koox oo u sharaxan inay ku guulaystaan Champions League xili ciyaareed kaan”




 




Mourinho oo ka hadlay ka hor imaanshaha Drogba ayaa yiri “Kahor imaanshaha Drogba waa mid adag, dhabtii waa dareen layaab leh, laakiin waxaa haboon inaan qabsano shaqadeena waayo isaguba wuxuu rabaa inuu qabsado shaqadiisa”.