Daawo: Sawirrada Xuska 44-guurada aasaaska Ciidanka Asluubta Somaliya oo maanta lagu qabtay Muqdisho iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo si culus ula dardaarmay
Muqdisho, 22 February 2014-(GNA)-Munaasibad lagu xusayo 44 Guurada ka soo wareegtay Aasaaskii Ciidanka Asluubta Somalia ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda oo lagu qabtay xarunta Taliska Ciidamadda Asluubta ee magaaladda Muqdisho.
Munaasabadda Waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdulaahi Goodax Barre, Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta, Nabad Sugidda iyo Xooga Dalka.
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdullaqaadir oo hadal ka jeediyay Xafladda ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeenadda, askarta iyo Qoysaskooda " Ciidamadda Asluubta waa kuwa dhaqan-celin u sameeya maxaabiista, waxeyna ka hortagaan dhaqamadda xun xun, dhawaanna howlahooda aad ayey u soo muuqan doonaan" ayuu yiri.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore u hambalyeyey dhammaan Ciidamadda Asluubta iyo Qoysaskooda "Hambalyo ayaan leeyahay dhammmaan Taliyayaasha, Ciidamadda, Carruurtooda iyo Xasaskooda, maanta waxay ka mid tahay maalmaha aadka noogu weyn.
Dowladdu waxey ahmiyad gaar ah siineysaa dib-u-habeynta Garsoorka oo muhiim u ah caddaaladda, sinnaanta iyo xaquuqul insaanka. Maxaabiistana waxaan ku dadaaleynaa inay helaan tasiilaadkii muhiimka u ahaa, si ay u noqdaan kuwa ka waantooba danbiyada isla markaana ka faa’iiseysta fursada dhaqancelitna ee dowladdu u fidineyso."
"Dhiiranaan dheeri ah ayey I gelineysaa in aan maanta arko Ciidamadda Asluubta oo Sannad Guuradooda u dabaal degaya, Waxaa la idinka baahan yahay waajibkii caadiga ahaa ee idin sarnaa iyo kuwa dheeri ah oo ay keeneen daruufaha dalka ku jira ee uu Amnigu ugu horeeyo, Ciidamadda Asluubta waa hal-bowlaha Garsoorka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Ciidanka kula dardaarmay inay iska wax u qabsiga dawladnimo hormuud ka noqdaan.
"Waxaan dareemayaa isku day ka turjimaya balanteenii ahayd marka hore wixii aan qabsan karno aan qabsano ka dibna waxii aan kari weyno aan dalbano, Soomaaliya Soomaali baa leh, oo waxaa nalaga sugayaa inaan daruufahan adag dalka ka saarno innagoo isku duuban.”
Saraakiil sar sare oo ka tirsan Taliska Ciidanka iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa iyaguna ka waramay marxalada uu haatan Ciidanku marayo iyo baahiyaha ku gedaaman.
Waxaanay dhamaantooda isku raaceen in dhismaha Ciidanka Asluubtu kaf dhabar u yahay xasiloonida iyo sugida cadaaladda dalka.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com