Tuesday, February 25, 2014

Boorama: Xildhibaano isku dayay Xatooyo Xoolo Dawladdeed oo la Kashifay


mucaaradka boramaBorama:-(GNA)-waxaa saaka subaxii  abaaro tobankii iyo badhkii subax nimo (10:30 Am) Dawlada hoose ee degmada borama ka  dhacay buuq , kaasi oo sida aan wararka ku helnay ka dhashay qaar ka mid ah xildhibanada golaha deeganka degmada borama   ku waas oo lagu eedeeyay in ay rabshadahaasi iyagu sabab u ahaayeen kadib markii ay ay ku gudbeen irida laga galo dawlada hoose baabur yar oo ah Bas ah xiligaas oo lagu gudo jiray hawl maalmeed kii shaqo ee dawlada hoose ee borama isla markaan ay irida ay diyaar ku ahaayeen shaqaalaha u xilsaaran dakhli ururinta kuwaasoo gabi ahaanba u diyaar ahaa qaarkood inay dakhiligii ku so xareyay dawlada hoose qarna dakhligii baan ka tagayay inay inay baanka ku xareeyaan diyaar u ahaayeen balse rabshadahan oo markii danbe keenay buuq iyo sawax fara badan oo xilgaas ka oognaa irida hore ee dawlada hoose




si kastaba ha ahaatee xildhibanadan ayaa bulshada ku soo xuuntay saaka dawlada hoose horteeda ay dusha ka saareen eedaymo la xidhiidha in ay dhacayeen dakhliga




 dawlada hoose ee boorama iyaga oo gaadhi bas ah oo ay wateen ku hor gooyay albaabka dawlada hoose ee degmada borama halkaasi oo uu marayay gaadhi lagu waday lacag tii dakhliga ee dawlada hoose iyadoo lagu waday baanka borama




xildhibanadan oo dhanaa 4 xildhiban oo kala ah




1. xildhiban xasan miigane rayaale (xasan nimcaan)




2.xildhiban maxamed muumin aadan (kacab)




3.xildhiban mustafe maxamed  xasan (xayte)




4. xildhiban mukhtaar cabdilahi ducaale (indho sheed)




afartan xildhibaan ayaa maanta isku dayay in ay dhacaan hantida dadwaynaha iyo lacagtii dakhliga dawlada hoose oo xidhay shaqadii bulshada loo waday iyagoo gawaadhi ku xidhay albaabka dawladda hoose ee borama




waxaa is la markiiba madashaasi soo gaadhay suxufiyiinta magalada borama isla markaana duubay oo sawiro ka qaatay wixii madashaasi ka dhacay iyaga oo warbixin halkaasi ka dhiibtay dad waynihii madashaasi ku sugnaa




waxaa isna ka hadlay arintan gudoomiyaha magalada borama saleban xasan xadi oo ay su’aalo ku wajahan dhacdadan kawaydiiyeen Wariyeyaashu.




Maayirka ayaa isagu waxa uu daaha ka rogay in ay falkan kadanbeeyeen afar xil dhibaan oo uu ku tilmaamay qas wadayaal iyo inay fawdo ka abuureen irida hore ee dawlada hoose ee borama taas oo keen tay in ay shaqooyinkii dawlada hoose qaarkood ka baaqdeen qaabkii loo maamulayay gaar ahaan qaybta dakhli ururinta oo aan saaka lagu xarayn baanka shaqaaluhuna kacabsadeen in la boobo buuq daraadeed




xildhibanadan oo uu shegay markii danbe in ay isku dhaceen bulshada oo qaarkood dhagaxa u qaateen, waxaa kale oo carabka ku dhuftay  in haayadaha abniga iyo madaxda gobolkuba uu gaadhsiiyay arintaas isla markaana maxkamada la horkeeni karo




waxaa halkasi isna ka hadlayay khasnajiga dawlada hoose cabdi suleex madar oo ahaa ninkii waday dakhliga dawlada hoose oo uu ku xaraynayay baanka borama isaga oo gaadhigiisa wata isla markaana u anba baxay baan ka si uu usoo xareeyo lacagta dakhilaga dawlada hoose ayaa waxa markiiba gawaadhi ku horgooyay xildhibanadaasi oo rabay inay xoog ku boobaan




inkastoo aan isku daynay inaan khadka taleefonka ku waraysano xildhibanadaasi maanta filka gaystay ayaa no suurto gali wayday inaan iyagana dhankooda ka waraysano xaaladahan waxa ku kaligay




Gobanimo news




Borama Office




Mustafe caraale