Muwaadinku waa ka ka qayb qaata dhismaha waddankiisa.”
“Wax-qabadka Xukuumadda KULMIYE mid lagu diirsaday iyo Wasiir Xirsi oo ku dayasho mudan.” Mustafe Axmed Kayse (Mr. Mak)
Waxaan salaamayaa qofkasta oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta qaan gaadh ah gaar ahaan Madaxda Qaranka Mucaarid iyo Muxaafidba meel kasta oo ay joogaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan jeclaystay inaan maantana idiin soo gudbiyo fikirkayga gaarka ah ee ku saabsan Waddaniyadda iyo wax yaabaha aan is leeyahay waxbay ka anfacayaan wadan kaaga iyo walaalla haagaba oo waa Hurumarkaa usocoteen.
AFEEF. Mudanayaal iyo Marwooyin Muwaadinniintayda Sharafta, Qiimaha, Qadarinta iyo Qaayahaba markasta iga mudan ugu horrayn waxaan cod dheer idinku soo gaadh siinayaa inaan ahay Muwaadin Jecel Waddankiisa Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana si gaara u jecel qof kasta oo jecel Horumarka iyo Hadafka guud ee Dadka iyo Dalka Reer Somaliland oo ay ugu horreeyaan Madaxdii Kala duwanayd ee dalkan soo martay dhammaan toodna waxaan leeyahay Jassaa Kumullaahu Khayran intii dhimatay Illaahay Naxariistii Janno Haka Waraabiyo inta nool-na Illaahay Adduun iyo Aakhiraba Haku Kaal Meeyo Aamiin Yaa Rabbi.
Mudanayaal iyo Marwooyin Jamhuuriyaddan Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan balse haddaynu kasoo bilawno 1960kii 26kii June markaynu xornimada ka qaadanay Maxmiyaddii Ingiriiska waxaynu mar labaad dib u galnay madaw iyo halaag iyo dhibaato tii hore intay doontaba ka daran oo aynaan mahadin xornimaddii aynu qaadannay 1960kii mudda dheer oo ay dadkeenna reer Somaliland cod dheer iyo cod gaabanba ku gud biyeen cabasha-doodii kadib waxay ka fursan wayday in lagalo dagaalkii qadhaadhaa oo mar labaad dib loo xoreeyo Jamhuuriyadda Somaliland inkasta oo ay ahaayeen wax aan qarsoomayn oo aan la`illaawi karin wixii laynoo gaystay Dad, Duunyo iyo Dalba haddana waxaynu ku illawnay waxaas oo dhanba wajiga Illaahay maadaama oo Rabbi Subxaana Wattacaalaa uu mar kale gacan teenna ku soo celiyy Hasheennii Maandeeq ( J. Somaliland).
Haddaba Mudanayaal iyo Marwooyin tan iyo 1991kii 18kii May markaynu lasoo noqonnay Xorriyaddeenna waxaynu raadinaynaa HORUMAR, AQOONSI, DAWLADNIMO IWM waxaynu ognahay waxaynu soo marnay oo ah dariiq dheer oo qodxa leh oo dhibaatto badan balse Alxamdu Lillaah waynu kasoo gudubnay intiisii badnayd inkastoo aynaan dhamayn oo wali aynu soconno wax badaninna ay inooga hadhsan yihiin halkaynu ku soconno iyo hadafkii aynu lahayn iyo halkii aynu la rabnay geeddiga inaynu mar`uun maandeeq ku furno oo inaynu gaadh siinno guri naq iyo tigaad leh oo rooban walaallayaal Safarkii waynu ku guda jirnaa inta hadhsanna inaynu ka gudubnaa waa waajib inna wada saaran haddaynu nahay dhammaan ummadda u`dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland Shacab iyo Masuul mid maqan iyo mid joogaba waxaana waajib ah inaynu ogaanno inaynu halkii ugu adkayd maraynno oo aynu ku guda jirno safarka intii ugu dhibta badnayn balse ah dabayaaqada safarka marka aynu guusha hantinno gogolna aynu kuwada seexinno Aqoonsi iyo Horumar, Dawladna aynu u barkinno ka ugu dheefta badan haddii Rabbi Subxaana Wattacaa-laaye uu raali kanoqdo oo aynu gaadhno halkaynu ku soconno isla-markaana waxaynu maanta ka joognaa 23-Sannadood iyo dheeraad intaana waxaynu ahayn Dawlad Madaxbannaan oo maalinba marxalad ayaynu soo maraynay illaa maanta oo uu Kursiga Qasriga Madaxtooyadda ku fadhiyo Madaxway-nihii afraad oo ku yimi doorashadii ugu miisaanka cuslayd ee Dalkeennan Somaliland ka dhacda waxaanay runtu tahay walaallayaal oo aynaan qarin karayn inaynu is garab wadno laba aan is gayin oo aad iyo aad u kala fog Aniga iyo arag tidayda siday iigu muuqatana aan ka qabo war-war wayn marka ta Alle laga reebo inaynaan walaallayaal sidan guul kusoo hantiyayn khasaare mooyee faa`iidana aynaan kusoo hoynayn (Waxa maqan Allaa og) balse Khayr Insha Allaah.
Mudanayaal iyo Marwooyin haddaan wax yar idiinka iftiimiyo labada aan is gayin ee aynu is garab wadno walaallayaal waxaynu wada ognahay waxa Waddankeenna yaalla maanta ee aynu ku dhaqanno iyo sifaha aynu u isticmaalno Dawladnimada iyo Qaabka aynu u raadi-nayno Horumarka oo Run ahaan-tii ah sifa qaldan markaa walaallaayaal waxaan odhan lahaa qofka Muwaadinka ah ee jecel inay Jamhuuriyadda Somaliland hesho Aqoonsi xalaal ah, Horumar muuqda iyo Dawladnimo sax ah waa inuu wax ka bedelaa habdhaqka maanta walaallayaal isma gayaan: Waxaanu rabnaa Dawlad-nimo Haddana Dastuurka iyo Sharciga Waddanka u dejisan waanu dacal maraynaa, Dawlad kasta oo timaaddaana waa Reer Hebel Dhaliilna waayi mayso, Nin kasta oo Madax noqda waanu caayaynaa, Waxa la qabto iyo Horumarka lasoo kordhiyo arki mayno, Waxaa noo muuqda uun waxa Qallooca iyo waxa maqan, Waxaanu nahay Qaran haddana waxaanu ku dhaqmaynaa Qabyaalad, tusaale ahaan walaallayaal Dawladdu waa Shacabka, shacab-kuna haddaanu u hogaan samin shuruucda oo aanu ku dhaqmin Dastuurka wax Dawlad layidhaahaa ma shaqay nayso, Haddii Dawlad lawaayana Dal ma jiraayo, Haddii Dal la waayana Dadku ma helayaan nolol, Haddii Nolol la waayana Dhibbaa imanaya waana xaqiiqa intaynu Madaxdeena caayayno ee aynu kala garan la nahay Mucaaridadda iyo Muxaafid nimadda oo Runtii u baahan aqoon iyo garasho dheer ah in loo lahaado inaynaan Dawlad Noqonahayn, Horumar gaadhayn, Aqoonsi helayn, Illaahay hayna garan siiyo wanaaga iyo waddada toosan Aamiin.
Mudanayaal iyo Marwooyin Muwaadiniin tayda Sharafta, Qiimaha iyo Qadarinta mudan ee aan jeclahay waxaan idiin soo jeedinayaa inaynu dib u jelleecno Maraaxilkaa kala duwan ee aynu soo marnay iyo muddada intaa leeg ee aynu soo jirnay iyo Madaxdii kala danbaysay mid waliba intii uu qabtay ee uu dalka kusoo kordhiyay muddadii uu xilka hayay iyo waxa aan qabsoomin ee illaa hadda qabyada ah isla markaan walaallayaal waxaan idinka cod sanayaa oo aan aad iyo aad u jeclaan lahaa inuu qof kasta oo reer Somaliland ahi maanta is waydiiyo Qoraalka Alle kasokow Sababaha ugu wayn ee ay wax yaaba badani u qab soomi- waayeen illaa haddana aanay u qab soomayn ama sidii larabay marna aanay u noqo nayn walaallaayaal idinka oo il Kalgacal iyo Naxariis leh ku eegaya Hasheenan Maandeeq intaa Qabyaalad, Nin Jeclaysi iyo Wax kasta oo lamid ah halkaa iska dhigtaan bal waxaa diiradda saartaan oo si caafimaad qabta maskax-diinna ugu qiimaysaan xaqiiqada dhabta ah ee jirta walaallayaal inkastoo la yidhi hadal badani haan ma buuxsho haddana waxa aan ka hadlayo iyo Arimaha Somaliland ayaa bad ah oo qof iyo laba iyo kunba aanay ka dhammaa nahayn hadday is yidhaahaan wax ka qora ama ka hadla markaa sidaas aawadeed wuu dheeraaday qoraal kayguye halayga raali noqdo walaallayaal waa ogtiin inaan xataa lasoo koobi karayn.
Mudanayaal iyo Marwooyin marka aynu eegno hadaf keenna iyo halka aynu u soconno ee ah inaynu helno Dawlad buuxda oo Horumar iyo Aqoonsi leh oo Dad iyo Dalba ina anfacda waa inaynu Qiimaynaa oo aynu xissaa-binnaa maalmihii lasoo dhaafay iyo maraaxilkii kala duwanaa ee aynu soo marnay iyo Madaxdii kala danbaysay ee Dalkan xukun ka soo qabatay Kadibna markaas ayaynu ogaan karnaa qaladdaadka jira oo xal-kooddana aynu heli karnaa.
Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa xusid mudan madaxdii kala dan baysay inuu ninba meel kasoo caraabiyay Hasheennan Maandeeq mid dhintay iyo mid noolba Madaxwaynihii ugu Horeeyay ee ay yeelatto Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali C/raxmaan Tuur iyo Madaxwaynihii labaad Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Labada Madaxwaynaba Illaahay Naxariistii Janno Haka Waraabiyo Samir iyo iimaanna Haka Siiyo Eheladdii, Qoyskii, Qaraabadii iyo Dhammaan Umadda Reer Somaliland`bee waxay leeyihiin Taariikh cad oo ka tur jumaysa kaalintay dalkan kasoo qaateen dajintiisa iyo dhismihiisa dawladeed Madaxwaynihii Saddexaad oo ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin Illaahay Haxafido danbigiisa iyo danbigii waali diintiiba hadhaafo isaga, Ehela-diisa iyo Dhammaan teenbee waxa uu kaalin mug leh kasoo qaatay Adkaynta Nabad galyada iyo Tayaynta Ciidamadda Qaranka iyo Hannaanka Dimuqraadiga ah sida Doorashadii u danbaysay ee Dalka Kadhacay Madaxwaynihii Afaraad oo ah Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Illaahay Raali Haka Ahaado isaga, Ehela-diisa iyo Dhammaan teen Ummadda Reer Somaliland`bee oo wali isagu xilka gacanta ku haya markaan qiimeeyay Xukuumaddiisu muddada ay xilka haysay iyo wax qabad keedu inta uu leegyahay Anigoo ku qiimeeyay baahida jirta iyo bulshada hadaf keeda oo bar-bar dhigaya Xukuumadihii ka horeeyay wakhtigii ay xilalka hayeen iyo wax-qabad koodii waxaan garwaaq saday inay wax badan oo lagu farxo oo waliba runtii ay ka mid yihiin wax aad iyo aad loogu baahnaa oo mudda dheer ay bulshada Reer Somaliland tabaysay ay qabatay Xukuumaddani Walaallayaal Anigoo hor illaahay iyo fikir kayga gaarka ah ku hadlaya oo aan ka tir sanayn Xukuumada Abu Kulmiye ayaan si Muwaadinnimo ah u jeclaystay inaan taageero waxqabadka jira iyo waxa usoo kordhay Dadkayga iyo Dalkaygaba maadaama aan ahay muwaadin jecel horumarka waddankiisa waxaa igu waajib ah inaan ka qayb qaato wanaaga iyo waxqabadka oo aan inta karaan kayga ah ku garab istaago qofkasta oo wada danta guud iyo daddaal horumarineed oo maanta aan arko isla markaana walaallayaal waxaan idiinku baaqayaa inaynu iska dayno waxaan dhib mooyee dheef inoo lahayn oo aynu dib ujalleecno wakhtiga inagaga lumay hadal iyo hebel weerar iyo halkaynu marayno maanta ee ay hasheenna Maandeeq hoganayso haddaynaan runta isu sheeginna waxba hagaagi maayaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin Muwaadiniin tayda Qiimah, Qaayaha iyo Saharafta leh ee Xushmadda, Qaddarinta iyo Karaamada iga mudan ugu danbayn waxaan jeclaan lahaa inaynu ka fogaanno kala qayb sanaanta iyo Qabyaaladda oo aynu si siman oo xor iyo xalaal ah guntiga dhexda ugu xidhanno meelna aynu uga soo wada jeed sanno Qadiyaddeenna iyo sidii aynu uga midha dhalin lahayn Himiladdeenna ee aynu u gaadhi lahayn hadaf keenna si aynu u gaadhno halka aynu hig sanayno innagoo illaahay lakashanayna oo tala saara-nayna isla markaana aynu ku dhaqanno xaqiiqada dhabta ah ee jirta oo yay-naan ka tagin Milgaha iyo Sharafta islaamnimo oo Madaxda Qaran keenna mid tagay, mid jooga iyo mid imanaya aynu Maamuus kiisa siinno Walaallaayaal si markaa innana keenna aynu u helno oo ay inoo mariyaan xaqqeenna taas ayaan filayaa inaynu meel sare ku gaadhi karno haddii Alle idmo midda kale Walaallayaal waxaan 100% Muwaadiniinta Reer Somaliland ee jecel inaynu Hurumar gaadhno ugu baaqayaa inuu Qof, Xukuumad, Haayad, Urur iyo Kooxba intii wax qabatay ee wanaag iyo wax faa`iido leh oo loo baahnaa ku soo kordhisay waddan keenna Jamhuuriyadda Somaliland aynu ku taageerno walaallayaal oo aynu mooraalka u dhisno oo uu ku garab istaago isla markaana waxa aan uga digayaa Qofkasta oo Muwaadin ah inuu ka waan-toobo wax kastoo wax yeello ku ah Somaliland hadday tahay hadal iyo hadday tahay ficil iyo wax kasta oo lamid ah waayo walaallayaal waxa markhaati maddoon ah dhibka soo gaadha Somaliland inuu yahay mid caam ah oo inawada saamay naya waana mid xanuun keeda iyo dam qashaddeeda leh oo qof kasta oo u naxaya Qarannimada iyo Jiritaanka Somaliland`ba uu ka gubanayo oo uu dareemayo Runtiina waxaan kusoo goobayaa Codsi-gaygan inaynu maanta ka qayb qaadanno waxqabadka muuqda ee Xukuumad iyo Shacabba laga wado wadankeenna Jamhuuriyadda Somaliland taageerana loo muujiyo Dhammaanba.
Allaa Mahad Leh
Mustafe Axmed Kayse (Mr. Mak)
Muwaadin Somaliland`der ah
Mobeli: +252 (0) 63-474-0393
E-mail: xamsekayse@hotmail.com