Monday, February 24, 2014

Baarlamanka Ukrain oo Madaxweyne doortay, xili Walaac Diblomaasiyaddeed jiro


ukraineKeiv(GNA)-Baarlamaanka Ukrain ayaa u doortay Madaxweyne ku-meel gaadh ah  Afhayeenka baarlamaanka dalkaasi, ka dib markii Madaxweynihii dalkaasi baxsi kaga tegay Caasimadda maanta, xili xaaladda dalku sii xumaanayso.




Baarlamanka ayaa , maalin ka hor xukunka ka qaaday Victor Yanukovych mudaaharaadyo looga soo horjeedo daba dheeraaday ka dib.




Afhayeenka baarlamaanka Oleksander Turchinov, ayaa ku guubaabiyay xildhibaanada inay ku heshiiyaan dowlad ku meel gaar ah Talaadada.




Madaxweynaha ku-meel gaadhka ah ayaa waxay isku dhow yihiin, Ra'iisalwasaarihii hore Yulia Tymoshenko oo xabsiga laga soo daayay shalay.




Madaxweyne Yanukovych ayaa ka tagay waddanka, waxaana la bixiyay amar lagu soo xirayo saraakiisha sare ee dowladda.




Baarlamaanka Ukrain ayaa kulmay si ay uga tashadaan mustaqbalka siyaasada.




Xildhibaanada ayaa ka dooday magacaabida Ra'iisalwasaare iyo dowlad ku meel gaar ah, ka hor doorashada madaxweynenimada ee dhici doonta May.




Lama oga meel uu jiro madaxweyne Yanukovych, wuxuuse talaabada baarlamaanka ku tilmaamay mid afgambi ama xukunka looga qaaday.




Sabtidii shalay ilaalada xuduuda ayaa lagu soo waramayaa inay ka hor istaageen inuu diyaarad ku galo Ruushka.




Dagaalo maalmo socday oo u dhaxeeyay dadka mudaaharaadaya iyo ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay in ka badan siddeetan qof.




Fagaaraha xoriyada oo dadka isugu imanayeen ayaa hadda dagan, laakiinse dadku wali baaqi ku sii yihiin.




Boliiska ayaa sheegay inay raadinayaan laba masuul oo ka tirsanaa dowladda.




Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa walaac weyn ka muujinaya mustaqbalka dalka Ukrane.




Hirdan ka dhexeeya Dawladdaha Reer Galbeedka iyo Ruushka oo kala jiidasho ah ayaa lagu xidhiidhinayaa inuu kacdoonka ka abuuray dalka.




Madaxweynaha Baxsaday  ayaa u janjeedha dhinaca Ruushka, waxaanay mucaaridku doonayaan xidhiidh lala sameeyo Yurub iyo Maraykanka.




Cabsida laga qabo in Ukraine noqoto meel uu dib uga bilaamo Dagaalka qabow ee adduunku ayaa ah mid sii kordhaysa.




Dawladda Ruushka ayaa si cad u diidan talaabooyinka la qaaday ee dalkaasi ka dhacay.




Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Madaxweyne Yanukovych u baxsaday dalka Ruushka oo ay xulafo ahaayeen.