Friday, February 28, 2014

R/wasaare C/wali oo weerrarkii Al-shabaab kaga jawaabay Af iyo Addin aan is-lahayn


Xil ka qaadis Tarsan waxa ka muhiimsan in la eryo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugida.Akhri warbixin




Muqdisho(GNA)-Xukuumadda federaalka Somalia ayaa mar kale hanjabaad kaga jawaabtay weerarada qorsheysan ee Kooxda Al-shabaab ka bilaabeen Muqdisho.




Reysal-wasaare C/wali  Sheikh oo Janjabay.




Cabdiweli-Sheekh2Reysal-wasaaraha Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo warbaahinta la hadlay saacado yar ka dib weerarkii maanta ka dhacay xarunta nabad-sugida ayaa ku tilmaamay falalka joogtada uga dhacaya caasimadda kuwo kooxdu ku sii maca salaamaynayso Daadinta Dhiiga Shacbiga, isagoo ku dooday in la soo afjarayo xili dhaw dhaqdhaqaaqyada nabadda ka soo hor jeeda.




 “Beegsida argagixisada ee goobaha shacabka, waxaa ay astaan u tahay dhamaadka waqtiga kooxdan caadaysatay daadinta dhiiga shacabka, dawladduna wey u diyaar garowday sidii loo siffeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlay falkii qaraxa ahaa ee saaka lala beegsaday maqaaxida ku taala isgoyska KM-Zero.




C/wali sheikh ayaa intaasi ku daray “Waxay cadowgu ka warhayaan in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa, waxayna go’aansadeen in ay sii daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo maleegay iyo kuwa fuliyay fal dembiyeedkan in lala xisaabtami doono, falalka noocan oo kale ah marnaba nagama hakin doonaan talaabooyinka aan ku cirib tireyno nabadiidka.”ayuu yiri.labada sheikh




Laakiinse hadalkiiisa ayaa ku soo aadaya xili wax laga qabtay ama natiijo laga soo saaray jirin weerarkii hore ee Jimcihii ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, waxaanay taasi muujinaysaa inaanay Hanjabaada dawladda iyo dhiiranaanta Xoogaga Al-shabaab islahayn, kana dhigantahay qowda Maqashii oo waxba ha u qaban.




Hanjabadii hore ee Xasan Sheikh




 




Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah Xasan Sheikh Maxamuud iyo Saraakiisha kale ee dawladda ayaa dhawr jeer shaaciyay inay qorsheeyeen weeraro lagu soo afjarayo Dagaalka Al-shabaab.IMG_0496




Hase ahaatee filashada fulinta dawladda ee arrintaasi waxa shiiqiyay weerarada joogtada ah ee lagu soo qaadayo goobaha xaasaasiga ah ee amni darada ka caagan.




Tani waxay bulshada Somalida ku abuurtay dareen kale iyo dood odhanaysa dawladdu ma waxay noqotay Waraabihii Ciyaartegay ee la soo Kuday isaga, dagaalkii ay sheegaysana wuxuu isu bedelay mid laga soo abaabulay dhinaca Al-shabaab oo dawladnimada iyo amaanka Muqdisho lagu baabiinayo.




Al-shabaab oo Bedeshay qaabka Dagaal




Sida ay xogo hoose ku heshay Gobanimonews kooxda Al-shabaab ayaa bedeshay Istaraatiijiyada Dagaal, si ay u tayeeyaan weerarada.




Saraakiil iyo khubaro dhinaca amaanka ku takhasusay ayaa sheegay inay xarakadu markii Ciidamada Itoobiya soo galeen gudaha Somalia ee Amisom loo ogolaaday, ay isku soo shubeen dhinaca Magaalooyinka si ay gabood uga dhigtaan Bulshada Rayidka ah.




Talaabada ayaa waxa ku kalifay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay dhismaha Milateri ee kooxda oo aan dhamaystirnayn iyo Kacdoon shacbiga iyo Ciidanka AMISOM  ee Itoobiya ka dhex qarxa si ay halkaasi uga helaan Taageero balaadhan.




Ciidamada Itoobiya ayaa la aaminsanyahay inay kuwa kale ee AMISOM uga cadowsanyihiin Shabaabka, isla markaana iyagu isku deyayaan inay weeraraan Saldhigyada Ururka.




Sidoo kale Shacbiga Somaalida ayaa Ciidanka Itoobiya ka heysta Fikrado la xidhiidha waxyaabihii hore  u dhex maray labada dal iyo Dhibaatooyinkii ay 2006-dii ka geysteen Muqdisho iyo Gobollada kale ee Koonfurta.




Guddoomiyaha Muqdisho Bedelay




Bedelka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Tarsan ayaa u muuqata mid lala daahay oo wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo meel wax laga qabtaa jirin.Qarax




Hase ahaatee waxa tan ka muhiimsanayd in xilka laga qaado Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-sugida, kuwaasoo aanay ilaa hada caddeyn istaraatiijiyadda ay u dejiyeen sugida amniga dalka, isla markaana shaqadooda ay ka timi gol-daloolada amni ee Caasimadda ku soo korodhay.




Xalku wuu kala dhantaalanyahay




Si kastaba ha ahaatee hadii amaan darada Muqdisho ay tahay mid ka timi dhinaca Maamulka, waxa iska cad inaan Guddoomiye Tarsan bedelkiisu wax badan ka bedelayn xaalada, isla markaana aanu isugu ahayn kuwii fulinayay Weerarada.




Sidaasi darteed waxa muhiim ah si loo dhamaystiro habacsanaanta Maamul ee jirta in Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga xilalka laga qaado, isla markaana baadhis dhamaystiran lagu sameeyo qaabkii loo fuliyay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Madaxtooyada.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com