Thursday, February 27, 2014

Cabdicasiis Samaale oo lagu daray Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye


saamaaleHargeysa(GNA)-Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu shaaciyay in Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale lagu daray Guddida Fulinta ee Xisbigaasi laga bilaabo 26/02/2014.




Arrintan ayaa ka dambeysay soo jeedin ku jirtay go’aamo  dhawr habeen ka hor lagu soo afjaray muran mudddo soo jiitamayay oo Xisbiga ragaadiyay.




Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa loolan adagi ka dhexeeyay  Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ay ku hirdamayeen hogaaminta Xisbiga ee shanta sanadood ee soo socota.




Hase ahaatee Guddi dhexdhexaadineed oo arrinta xisbiga soo afjartay ayaa go’aamiyay in Wasiir Samaale lagu daro Guddida fulinta, Muuse Biixina Kursiga Guddoomiyaha ee shanta sanadood aan lagula tartamin.




Qoraalka lagu shaaciyay xubinimada Guddida falinta ee Cabdicasiis Maxamed Samaale oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gobanimo ayaa lagu yidhi sidan:




 




XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND




(KULMIYE)




 




Address:  Jigjigayar, Ibrahim Kodbur District, Hargesia Somaliland.




Tell:           00252-2-527883




Mobile:      00252-4134891,4026659




Email:        headquater007@hotmail.com/Website: www.kulmiye.com/www.kulmiye.org




 




 




  REF:  XK/XG/004187/2014                                                                                                       




                                                                                                  




                                                                                                                   Date: 26/02/2014




Ku: Cabdicasiis Maxamed Samaale




Ku: Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE




Ujeedo: xubin ku daris Guddida fulinta.




 




Waxa lagu daray Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaannu laga bilaabo maalinta taariikhdu tahay 26/02/2014 noqonayaa xubin ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE.




 




ALLA MAHAD LEH




 




Md. Muuse Biixi Cabdi




Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE