Thursday, February 27, 2014

Dhegeyso: Beel Kalsoonidii kala noqotay Dawladda Xasan Sh. Maxamuud


Hoos ka Dhegeyso, kana akhriso Bayaan Beeshu ka soo saartay Shir  15 Casho u socday..




Beesha karanle Murusade  (35)




 



Muqdisho(GNA)-Munaasibad lagu soo gabagabeyey shir weyne u socday mudo 15 cisho ah xubno matalayey beesha karanle hawiye murusade  ayaa laga soo saaray go’aan lagu sheegay in beeshu Kalsoonidii kala laabatay Dawladda Xasan Sheikh Maxamuud.Beesha karanle Murusade  (20) Beesha karanle Murusade  (26) Beesha karanle Murusade  (32)




Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Madaxdhaqameedyo, siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Ergooyin kale oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Beesha ayaa lagaga dhawaaqay in beeshu markii ay qiimaysay dhibaatooyinka ay ku hayso dawladdu ay Kalsoonidii kala laabatay.




 



Beesha karanle Murusade  (12)



war murtoyeedka kasoo baxay beesha murusade, ayaa lagu yidhi sidan:




ujeeddo: soo gudbin go’aanka beesha murusade/karanle oo ah kala noqosho  kalsooni madaxweynaha jam. Federaaalka soomaaliya.
 




Shir ay beeshu yeelatay oo socday muddo 15 cisho ah, ayna ka soo qeybgaleen siyaasiyiinta, aqoonyahanada, odayaasha dhaqanka, culuma’udiinka, dhalinyarada, haweenka iyo dhamaan waxgaradka beesha, dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxay beeshu go’aansatay inay kala noqoto kalsoonida madaxweynaha dalka iyadoo loo sababeynayo qodobada soo socda:




Madaxweynaha oo lumiyay amaanadii sanad iyo bar ka hor lagu amaanesytay ee qaranka.




 wuxuu lumiyay himiladii iyo rajadii dowladnimada ummadda soomaaliyeed iyo tii beesha caalamka.




 




Wuxuu ku tuntay nidaamkii awood qeybsiga dalka, asagoo si qaas ah ugu xadgudbay kuna takri falay beesha murusade, ugana baxay ballamo badan.




 




Wuxuu dib usoo nooleeyay huriyayna colaadaha beelaha soomaaliyeed.




 




Wuxuu si joogta ah ku hayaa beesha murusade barakac, qafaal, xarig iyo cagajugleen asagoo si qaldan ugu ku takri falaaya awooda dowladda si aan sharci ahayn, si uu ugu fogeeyo xagjirnimo.




 




Asagoo adeegsanaya hay’adaha amniga qaranka mar kasta u isticmaalaa inuu ku sunto beesha oo dhan inay yihiin shabaab.




 




Wuxuu inkirsan yahay doorka ay beeshu ku leedahay guud ahaan qaranka, gaar ahaana gobolada ay degto, sida: gobolka banaadir.




 




Beeshu waxay u gudbinaysaa dhamaan umadda soomaaliyeed, beesha caalamka iyo ciidamada amisom ina beeshu si buuxda kalsoonida kala laabatay madaxweynaha j. Federaalka soomaaliya




 




Waxaan faraynaa xildhibaanada iyo siyaasiinta beesha inay ku shaqeeyaan kuna metelaan rabitaanka beesha.




 




Sidaas darteed, qodobada kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan awgeed, waxaan kalsoonidii aan u heynay kala noqonay madaxweynaha dalka.




Beesha karanle Murusade  (2)Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Beesha-Karanle-26-2-141.mp3"][/audio]




 




Wabillaahi towfiiq.