Tuesday, February 25, 2014

ONLF lagu qabtay Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya


ONLFHargeysa(GNA)-Laba ka mida Jabhadda ONLF ee la dagaalanta Dawladda Itoobiya ayaa lagu qabtay Maalintii shalay deegaanka Bali-cabane ee Gobolka hawd.




Labada Nin ayaa ku soo jeeday dhinaca Somaliland, ka hor intaan la qaban, sida ay Saraakiisha laamaha nabad-gelyadu Gobanimoews u xaqiijiyeen.




Hawl-galka lagu qabtay Nimanka waxa iska kaashaday Sirdoonka Somaliland iyo Itoobiya.




Jabhadda ONLF oo deegaanadda Kilalka shanaad ee Itoobiya ka dagaalamaysay in ka badan 6 sanadood ayaa  milateri ahaan aad u diciiftay sanadihii ugu dambeeyay, ka dib markii badankeedu isku soo dhiibtay dawlad deegaanka Somalida.




Deegaanka lagu qabtay labada Jabhad oo Xuduudka saaran ayaa dabayaaqadii sanadkii hore lagu dilay Nin Ganacsiga Kootarabaanka ah halkaasi uga gudbin jiray dhanka Itoobiya.




Ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya ayaa Ninkaasi duhur cad rasaas ku khaarajiyay, ka dib markii uu ka baxsaday iyagoo ku raad-jooga.




Somaliland iyo Itoobiya ayaa iska kaashada dhanka nabad-gelyada Gobolka iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada dadka isaga gudbaya labada dal.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com