Friday, February 28, 2014

Hay’ada Qarnul-Ifriiqiya Oo Dhismayaal Cusub Ka Hirgalisay Boorama


Boorama-(GNA)-Munaasabad balaadhan oo xadhiga lagaga jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyay Dugsiga Sare Ee Ubaya-Ibnu Ka’ab Ee magaalada Boorama ayna hirgalisay hay’ada Qarnul Ifriiqiya ayaa maanta lagu qabtay isla dugsigaas.




Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta sarsare ee hay’adan Qarnul ifriiqiya oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa,Maamulka heer gobol iyo degmo, maamulka macallimiinta ,ardayda iyo waalidiinta Dugsigan iyo marti sharaf kale.




Furitaankii munaasabadan ka dib ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay maamulaha Dugsiga sare ee Ubaya Ibnu Ka’ab Sheekh Mustafe Muxumad Alabari waxa uuna ugu horeyn u mahadnaqay  hay’adan hirgalisay dhismayaashan cusub ee lagu kordhiyay dugsigan ee qarnul ifriiqiya sidoo kale waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay  Baytul Zakaatul Kuwait oo uu sheegay in ay maalgaliyeen dhismayaashan cusub ee lagu kordhiyay Dugsigan  taas oo uu sheegay in ay qaybtii hore iyo qaybtan cusuba ay iyagu maalgaliyeen taas oo guud ahaan ka kooban 26 Fasal 8Fasal oo ka mid ahna haatan la dhamaystiray.




Maamule Sheekh Mustafe ayaa sheegay in Dugsigan lagu dhisay Magaca Dugsiga Sare Ee Kuwait uu yahay  oo qudha magacii mashruuca lagu hirgaliyay dugsigan uuse yahay Dugsiga Sare Ee Ubaya Ibnu Ka’ab  lagana dhisay  Baytul Zakaatul Kuwait taas oo uu sheegay in ay lacagtii lagu dhisay ay soo bixiyeen dad muxsiniin ah allena ugu baryayaan in alle ka aqbalo miisaanka xasanaadkana ugu daro.




Maamulaha ayaa sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigan Sare dhismihiisu isaga oo sheegay in dhismihii ugu horeeyay ee uu yeesho dugsigani hirgaliyeen 2002-2003 taas oo ay dhismihii hore iyo kan lagu kordhiayay ay dhan yihiin 26 Fasal oo 8 Fasal oo ka mid ah haatan la dhamaystira  2 Office hal laab hal library iyo dayr ka kooban 60-70 Mitir taas oo uu sheegay in qaybtan Cusub ay ka koobantahay 8 Fasal iyo dayrka, ardayda guud ahaan Dugsiga dhigata ayaa waxa uu maamule Mustafe ku sheegay 1200 oo arday kuwaas oo iskugu jira Gabdho iyo wiilal ,580 Gabdho Iyo 620 Gabdhood kuwaas oo si kala sooc ah wax u barta gabdhuhuna si gaar ah ayay u barteen wiilashuna gaarkood ayay u bartaan.




Gabogabadii Maamulaha ayaa sheegay in dhismahan lagu wareejiyay  Jimcyatul Al-wafaa oo fadhigeedu yahay Magaalada Boorama taas oo maamusha guud ahaand dugsiyada hoos yimaada Ubaya Ibnu Ka’ab waxa kale oo uu sheegay in ay dugsigan waxa ka dhigaan  24 Macallin iyo maamulka oo ah 3 Maamule .




Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay  gudoomiyaha ururka Qarnul Ifriiqiya Sheekh Maxamed Cali Geedi mahadnaq ka dib waxa uu alle uga baryay dadkaas muxsiniinta ah ee la soo baxay maalkooda ee lagu hirgaliyay dhismayaashan dugsigan laga hirgaliyay,waxa kale oo halkaas ka jeediyay hadalo wacdi iyo waano u adan oo ku socday ardayda wax ka barata dugsigan waxa uuna kula dardaarmay in ay muhiimada siiyaan diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda taa soo uu sheegay In waxa ugu qiima badan ee alla ina siiyay in uu yahay islaanimo.




Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa halkaas hadalo mahadnaq u badan ka soo jeediyay ,Maayorka Degmada Boorama,Saleebaan Xasan Xaddi, Mas’uuliyiin ka socday Jaamacaddaha Camuud Iyo Eelo, Culumwadiin iyo mas’uuliyiin ka socotay wasaarada tacliinta Sare ee Gobolka Awdal waxa ayna dhamaantood alle uga baryeen in miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha ugu daro dadkaas kuwaitiyaanka ah ee muxsiniinta ah ee soo dhisay dugsigan sidoo kale waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u direen hay’adan hirgalinasay ee Qarnul ifriiqiya taas oo ay sheegeen in ay wax wanaagan oo bulshada wax u taraya ay hirgaliyeen.




Si kastaba ha ahaatee dugsigan oo ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala Somaliland Gaar ahaan Gobolka Awdal ayaa ka mid ah dugsiyada Tacliintoodu ay aad u sarayso sannadwalbana soo saara da’yar dhinac walba ka dhisan aqoon iyo akhlaaq diimeed, waana dugsiga qudha ee dhisme uu leeyahay oo isaga u gaar ah oo intaas le’eg ku leh Boorama.”




Gobanimo news




Borama office-somaliland




 




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (4)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (3)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (2)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (1)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (8)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (7)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (6)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (5)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (12)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (11)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (10)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (9)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (16)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (15)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (14)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (13)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (34)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (33)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (31)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (30)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (29)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (28)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (27)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (26)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (25)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (24)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (23)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (22)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (21)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (20)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (19)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (18)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (17)