Wednesday, February 26, 2014

Somaliland:Wararka Telefishanka Qaranka oo lagu soo kordhiyay qayb Carabi ah


Hargeysa(GNA)-Telefishanka afka Dawladda ku hadla ee SLNTV, ayaa qaybtiisa warka lagu soo daray qayb cusub Luuqada Carabiga ku baxaya.




Ka sekow Luuqada Somaliga, waxa hore Telefishanka uga bixi jiray war ku baxa afka Ingiriisiga, kaasoo sanadkii hore lagu soo kordhiyay.SLNTV




Luuqada Carabiga ayaa ah ta labaad ee adduunka dhinaca xidhiidhka dadka, laakiinse waa luuqad ay bartaan dhamaan dadka Muslimiinta ah ee dunidu, Qur’aanka iyo Axaadiistuna ku soo baxdo, waana luuqad da’ ahaan  guun ah oo xadaarado badan soo jirtay.




Labadii habeen  ee ugu dambeeyay ayaa Telefishanku Daawadeyaashiis u soo gudbiyay war lagu akhriyayo luuqadaasi, taasoo ah markii ugu horaysay ee la arko Telefishan Somaali ku warama oo luuqadaas war ku sheega wixii ka dambeeyay bur-burkii Somaaliya.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka  Telefishanka oo lagu faahfaahiyay qaybtan cusub ee lagu soo kordhiyay TV-ga, hase ahaatee waxay ahayd talaabo bulshadu ku baraarugtay intii la soo kordhiyay.




Luuqada Carabiga ayaa warar ku hadlaa ay hore uga bixi jireen Ideecadda Dawladda iyo Wargeyska Dawan ee dawladdu maamusho.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com