Monday, February 24, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay inuu fashilmo Heshiiska “New Deal”


Xasan Sheikh Maxamuud oo la garnaqsaday QM iyo qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee Heshiiskan saxeexay, isagoo dalbaday in balanqaadkii Brussels la fuliyo…




 



Madaxdshir



Mogadishu, 24 February 2014 (GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir-gudoomiyey shirkii Guddiga Sare ee Wadashaqeynta (High Level Partnership Forum).




Guddida Wada-shaqaynta ayaa lagu aasaasay Shirkii lagu dariiqa iyo heshiiska cusub loogu jeexay wada-shaqaynta iyo hanaanka duwalka Caalamku taageerada u siinayo dalka Somalia.




 



madaxshir



Shirkan ayaa waxa goob-joog ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay, Wasiiradda, Arrimha Dibadda, Ammaanka, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somaaliya, Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya, Madaxweynaha Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiil ka soacdy maamulka KMG ah ee Jubba, Ururadda Bulshadda Rayidka, Safiiro iyo Wakiilo ka socday Wadamadda Caalamka.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shirka hadal ka jeediyay ayaa tacsi u diray  dadkii ku dhintay weerarkii ugu dambeyey ee Alshabaab ku qaaday Qasriga Madaxtooyada.




 "waxaan si taxadar leh idinkaga codsanayaa in falalkan aysan na niyad jabin. waana kuwo ay kooxahan uga dan-leeyihiin inay caalamka tusaan in fSoomaakiya ay burburtay. taasna sax maaha.




"Qof kasta oo idiinka mid ah wuu og-yahay Horumarka ballaaran ee aan labadii sano la soo dhaafay sameyney. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno sidii aan u horumarin laheyn Amniga, siyaasadda, Isla markaana aan waddanka u kobcin laheyn dhaqaalaha iyo horumarka dalka. "ayuu yiri.




Madaxweynaha oo ka hadlayey Warbixinta QM ee Cunaqabateynta Hubka ayaa yiri "dowladdu wey la shaqeysey Kooxda QM oo aan tusnay wax walba oo ay rabeen. Jawaab baan u qornay Golaha Ammaanka oo aan kaga jawaabnay dhammaan eedaha aan saxda aheyn, oo ay habbooneyd inay marka hore noo soo gudbiyaan si ay u helaan jawaabteena oo ka hortagi laheyd inay macluumaad sax ah soo qoraan. Waxaa noo degsan qorshe aan ku maamulno hubka iyadoo la raacayo nidaamka QM, oo aan sameyney guddi isku dhaf ah, tababaro dhanka farsamada, iyo nidaam cad cad oo warbixinta lagu gudbiyo."




Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada waxqabad iyo ficil ee ballanqaadyadii Brussels 16kii September 2013 fulintoodu u leeyihiin gaadhista yoolka dhabta ah.




"Dowladdu waxey sameysey Guddi Maamula Dhaqaalaha oo si furfuran oo cad cad u maamulaya dhaqaalaha. waxaan albaabada u furnay deeq bixiyeyaasha oo aan kalsooni ku siineyno deeq bixiyeyaasha. dowladda iyo deeq bixiyeyaasha waa inaan si degdeg ah ficil iyo waxqabad ula imaanaa. waxaa la joogaa waqtigii COMPACT uu shaqeyn lahaa. Shacabka oo naga sugaya wax badan waa inay arkaan fulinta ballanqaadyada."




"Aawq"Waa muhiim in ballanqaadyadii caalamka laga dhabeeyo si loogu kalsoonaado New Deal." Waa inaan u muujinaa shacabka in horumarkii loo ballanqaaday la fulinayo. ma awoodi karno inaan ku guul-dareysanno qorshahan Hiigsiga (New Deal).




 



Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku dooday  "waxaan joognaanwaqtigii aan uka gudbi laheyn hadal kaliya oo waa inaan u gudubnaa FICIL iyo WAXQABAD."



Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili uu sii kordhayo walaaca Beesha caalamku ka qabto dib u xumaanshiyaha Amniga Caasimadda dalka iyo warbixinta QM looga gudbiyay cuno-qabateynta hubka Somalia.madaxshirs




Dhinaca kale, waxa uu madaxweynaha dhawaaqiisu imanaya bilo yar uun ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Midowga Yurub saluugsanyahay habka loo maamulay lacago dawladda gacanteeda soo galay oo wax isdaba marin lagu sameeyay, taasoo sababtay inay dalal badan soo jeediyeen inaan dawladda talada haysa lacag cadaan ah gacanta looga dhiibin.Madaxd




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com