Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar wargeysyadu baahiyeen oo sheegaya in madaxweyne Siilaanyo ka dalbday muddo kordhin xiliga doorashooyinka ka soo hor marta.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddo hal sano iyo dhawr bilood ahi ka hadheen muddo xileedkiisa, aanay muuqan saansaan lagu suurto gelin karo doorashooyin badan oo muddo dhaafay.
Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahim Iiidle Saleban oo Maanta la hadlay Telefishanka Star, waxa uu sheegay inaan haba yaraatee wax lagala soo qaaday jirin arrimaha doorashooyinka, waxaanu ku dooday in arrimahaasi lagala hadli karo Komishanka Dawladda u qaabilsan iyo Hay’adaha Xeer dejinta.
Halkan ka Daawo: