Tuesday, February 25, 2014

Oodweyne: Taliye Ciidan oo lagu Dilay Xaaji Saalax.Faahfaahin


Xaaji saalaxXaaji-saalax(GNA)-Dablay hubaysa n ayaa xalay Degmadda Xaaji Saalax ku dilay Taliyihii Saldhiga Bilayska ee Deegaankaasi, Darawalkii Gaadhigiisana dhaawac u geystay.




Dilka ayaa dhacay xili dambe oo xalay ah, ka dib markii niman hubaysani soo weerareen Taliyaha oo Magaciisa la odhan jiray Hurre Sahal Ducaale, sida ay Gobanimonews u sheegeen goob-joogeyaal ku sugan Xaaji Saalax.




Dablayda Dilka geystay ayaa baxsaday oo aan ilaa hada la soo qaban, sida uu noo xaqiijiyay mid ka mida Eheladda Ninka Taliyaha dhintay Gaadhiga u waday oo Xaaji Saalax ku sugan.




Dilka ayaa sida ay bulshada deegaanku tilmaameen daba socda Aano hore oo la xidhiidha  Sarkaal 11 sano ka hor Deegaanka lagu dilay iyo Ganacsade  Burco lagu dilay oo isla dilalkaa hore daba socday.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Daad-madheedh iyo Saraakiisha amaanka toona oo la xidhiidha falkan, hase ahaatee madaxdhaqameedyo iyo wax garad deegaanka ka soo jeedda ayaa la sheegay inay gelinkii dambe ee Maanta halkaasi gaadheen.




Dilkan ayaa noociisu ugub ku yahay Gobolka, inta la xusuusto.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com