Thursday, August 8, 2013

WIIL YAR OO AFAR JIR AH OO MARKII LABAAD KA NOQDAY MAAYAR MAGAALO AY DAGANYIHIIN DAD LAGU QIYAASAY ILAA 28-QOF!!


(GNA) Warbaahinta dunida ayaa maalmihii aanu soo dhaafaynay ay xoog u hadal hayeen wiilyar oo tuulo ku taala waqooyiga gobalka minnesota ee cariga mareykanka oo layidhaa Dorset in uu markii labaad ku guuleystay maayarnimada wiil yar oo ay da,diisu tahay 4-jir lagu magacaabo mr.Robert bobby.




waxaa indha ha caalamka soo jiitay in  Mr. Robert Bobby, weligiina aan dugsi waxbarasho foodda gelin, ayaa markii labaad ku guulaystay doorashada




 




xilka maayarnimada magaalo yar oo dalxiiska loogu talogalay oo ku taal woqooyiga Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.




 




Wiilkan yar oo loo yaqaan Mayor Tufts, waxa mar labaad lagu dhawaaqay Axaddii toddobaadkan inuu noqdo duqa magaalada Dorset oo ah magaalo aan lahayn maamul sax ah, waxana ku nool 22 ilaa 28 qof.




 




Wiilkan aadka u da,da yar ee maayirka noqday, ayaa dadka magaaladaasi si weyn ugu codeeyeen, qof kasta oo magaaladan ku noolna aad buu u jecel yahay Mr. Tufts, waxaanay markii ugu horreysay ee xilkaas loo doortay da,diisu ahayd 3 jir.




dadka magaalada ayaa waxa ay ku doorteen aheyd in uu guri guri ugaraaco weydiiyana baahiyahooda aas aasiga ah ku darsoo wiilkan yar dawladiisa hoose wax dhaqaala oo ay qabato majirto .




hadana waxa uu jecelyahay in uu bulshada uu maayirka u yahay ka turjumo baahidooda isga oo markii uu ku guuleystay maayarnimada warbaahinta mareykanka qaar ka tirsani ay ku booqdeen guriga uu la dagen yahay labadiisa waalid  ay su,aalo door ah ayku weydiiyeen




ayaa ka codsaday maamulka gobolka uu hoostago lagu darsado talada iyo shirarka ay yeeshaan taas oo uu yidhi waa in aan ka tarjumaa baahida halkan aan maayirka ka ahay.




 hooyadii oo la yidhaa Emma Tufts sheegtay in iyada iyo wiilkeedu oo bisha October 5 jirsanaya aad u farxasan yihiin xilka culus ee inankeeda yar loo doortay.




 




Doorashada wiilkan yar waxay ka dhacday meel dabbaaldeg ah, waxaana magaciisa lagu dhex daadiyey dad badan, kadibna dadkii waxay doorteen magaciisa oo nasiib ugu soo baxay.




 




Wiilkaygu subaxdii hore ayuu tegay goobta dabbaaldeggu ka dhacayey, kamaraduhuna wejigiisa ayey hayeen, maalintii oo dhanna xafladda ayuu fadhiyey, ayey tidhi hooyo Emma.




 




Mrs. Emma Tufts oo ka sheekaynaysay hawlaha waxqabad ee wiilkeeda u qorshaysan markuu xilka maayarnimo la wareego, ayaa sheegtay inuu doonayo inuu lacag sadaqo ah ururiyo oo uu dadka danyarta ah ku caawiyo, magaalada Dorset-na ka dhisi doono hudheello caalamka soo jiita  dadka dalxiisayaasha ah iyo gaadiid ay yeelan doonto tuuladaa yar.




HALKAN KA DAAWO VIDEO




 








Diyaariye:Askar




askars4@hotmail,com




Gobanimonews.com