Thursday, August 8, 2013

MAXAAD KA TAQAAN DARYEELKA INDHAHA…????


(GNA) Waxaan halkan doonayaa inaan ka iftiimiyo daryeelka indhaha, bacdamaa indhuhu yihiin xubnaha ugu muhiimsan, xaga waxbarashada indhuhu qeyb weyn ayey ka ciyaaraan maxaa yeelay qofka aan wax arki karin wey ku adagtahey inuu wax barto.




 hadaba waxaa loo baahanyahay in qof waliba uu ku dadaalo daryeelka indhihiisa, sidaa darteed ka faa'iideyso talooyinkan hoos ku qoran iyo kuwa dhaakhaatiirtu ku siiyaan.




1. Hadii aad aragto dhibato xaga akhriska ah u tag dhakhtarka indhaha, dadka dhibaatadu ka heysato xaga wax akhriska wey iska fogeeyaan, hadii kale oo aad isku eegto waxaad dareemeysa madax xanuun markaad wax akhrineyso, markaa waxa haboon inaanad dhayalsan oo aad dhakhtar la xidhiidho si laguu cabiro oo muraayad laguugu qoro.




 2. Iska ilaali daawo aan laguu qorin inaad ku shubto indhaha.




 3. Ka ilaali indhahaaga inaad faraha ku xoqdo, gacmuhu marwalba nadiif ma aha, waxaaney sobobaan indhohoo bukaan ku noqda hadii aad caadeysato isticmaalkooda.




4. Iska ilaali inaad indhahaaga ku jeediso meel iftiin xoog ah leh sida qoraxda ama dhalaal xoogan.




Waxaa laga yaabaa ama ay tahay in nuurkii badnaa ee aad eegeysay ay sababto indha la,aan markaa waxaa haboon in aad iska ilaaliso iftiinka badan ee indhuhu diidayaan aad ka digtoonaato




. 5. Hadii indhaha saxar ka galo, si taxadir ah uga soo saar,adiga adeegsanay maro nadiif ah  hadii wax lagaa saxar ah lagaa  waayo biyo nadiifa ku shub gacantaada oo nadiif ah ka dib ku kala qaad , dhibaatadu hadey kugu sii korodho dhakhtar u tag.




6. Hadii indhuhu ku cuncunaan ama xoog kuu casaadaan, u tag dhakhtar si laguu baadho, waayo cudurka oo aad indhahaaga ku eegtaa wuxu keeni karaa indho la'aan. Waxaa xaqiiq ah in hadii aad talooyinkan raacdo, aad ilaalin karto caafimaadka indha haaga.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com