Burco(GNA)-Hawl-gal shirkadda Genel Eneregy ka wada Jiida u dhexaysa Goboladda Saraar ilaa Daad-madheedh ayaa todobaadkii hore si kedis ah loo hakiyay, ka dib markii muran dhinaca shaqaalaha hawshaasi ka qayb-qaadanayaa mar kale la soo dersay sarfey ay shirkaddu ka soo bilowday dhinaca saraar markii uu mareyay Koonfurta Gobolka Togdheer, sida ay sheegeen dad xogogaal ah.
Ma jiro war ka soo baxay dhanka shirkadda oo la xidhiidha sababaha keenay hakinta mashruucaasi, hase ahaatee waxa la xaqiijiyay in mudo ku siman todobaad shaqaalihii hawsha lagu war-geliyay inay fasax noqon doonaan, taasoo sida la sheegay ku eeg Maalinta Arbacadda ee fooda inagu soo haysa .
Mashruuca Sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee Goboladda Bariga ayaa muran badan abuuray, tan iyo markii la bilaabay fulintiisa, murankaasoo inta badan salka ku haya shaqaalaha ka shaqaynaya oo ay dadka degen deegaamada laga fulinayaa ku doodayaan in Saami shaqaale oo ku filan iyo Mashriic horumarineed Bulshada la siiyo,taasoo shirkaddu qayb ka mid ah aqbashay, laakiinse wali deegaanada qaarkood cabasho ka taagantahay.
Mid ka mid ah hawl-wadeenada shirkadda ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Fasaxa la siiyay Maalmahan hawsha la hakiyay “waxay nagu yidhaahdeen ilaa Arbacadda waxaad tihiin Fasax, laakiinse wax tafaasiil ah oo kale nalama siin sababta fasaxa keentay iyo dhibaato kale oo jirta toona”Hawl-wadeen, sidaasi waxa yidhi Sarkaal ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda oo Magaciisa qariyay.
Dhanka kale, Suldaan Maxamed Muuse Cunne , oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Bulshada Galbeedka Burco ayaa Xukuumadda iyo shirkadda GENEL ENERGY ku eedeeyay inay xalin kari waayeen khilaafka soo noqnoqday ee shaqaalaysiinta dadka mashruucan ka qayb-qaadanaya, waxaanu intaasi ku daray inay baal mareen dariiqydii ay ku sixi lahaayeen tabashada bulshada.
Suldaanka oo ugu horayn ka waramaya sababaha hakadka ku keenay hawsha sahaminta Macdanta iyo Shidaalku ayaa yidhi“Sarfeygii ay wadeen markii u soo gudbay dhinaca Galbeedka Burco ayay dadka deegaanku yidhaahdeen waa in shaqaale cusub oo deegaanka u dhashay laga shaqaalaysiiyaa wado samaynta,waxaana hakadka gelisay hawsha loo aanaynayaa hadalkaa bulshada deegaanka ka soo baxay, laakiinse ma jiraan ilaa hada wax kale cad oo lagu sababayn karaa”.
Suldaan Cunne ayaa sidoo kale ku dooday “Hawshan shaqaalaysiinta waxay ahayd inay dawladu la wareegto oo laga daayo beelaysigan iyo sheekadan ah meel kasta dadka dega ayaa shaqaale laga qoranayaa, waxay ahayd inay shirkadda iyo dawladu si siman shaqaalaha qoraan bulshada Gobolka oo dhan, imtixaan halaga qaado ama halayska qoree, taa hadii la waayo waxay ahayd in madaxdhaqameedka labada dhinacba loo yeedho oo lagala hadla sidii hawshan looga wada shaqayn lahaa, laakiinse sidan wax yihiin hada waxay abuurtay cunsuriyad iyo qabyaalad soo kala dhex gashay dadkii Gobolka”.
Isagoo hadalkiisa sii wata Suldaan Reer Burco waxa uu sheegay inay Dawladu lahayd masuuliyadda shaqaale qorista mashruucan .
“Masuuliyadan waxa iska leh oo habacsanaani ka muuqataa dawlada, gaar ahaan Maamulka Gobolka oo aan hawshan sidii nabad-gelyo loogu fulin lahaa xil iska saarin, waayo dawladu hadii ay doorkeeda qaadato oo dadkan kala hagaajiso oo nidaam shaqaalaha loo qoro waxani may yimaadeen”.
Geesta kale, waxa jira warar badan oo ku saabsan sababta loo joojiyay shaqada oo sheegaya shaki dhinaca amaanka ah, kaasoo ah arinta iminka ugu badan ee lagu sababeynayaa go’aanka shirkaddu ku joojisay hawsha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xukuuamdda Somaliland oo la xidhiidha hakinta hawsha sahaminta shidaalka ee Shirkadda Genel Energy,hase ahaatee Guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), ayaa todobaadkii hore shaaca ka qaaday in si rasmiya loo bilaabayo sahaminta Shidaalka iyo Macdanta maalmaha soo socda.
Guddoomiye Xamarje ayaa sidoo kale soo kormeeray deegaamada hawshu ka socoto ee Gobolka, taasoo sida lagu soo waramayo ujeedada kormeerkiisu la xidhiidhay xogogaal u noqoshada halka ay wax u marayaan shirkadda iyo caqabadaha horyaala.
Dhinaca Gobolka Saraar, wali xal waara lagama gaadhin Khilaafkii dhanka shaqaalaha ku salaysnaa ee ka dhexeeya shirkadda iyo Bulshada Gobolka, waxaana la sheegay inuu buray heshiis ay wada gaadheen Guddiyo labada dhinac metelaya oo ay xukuumaddu arintaasi u saartay.
“Heshiiskii shaqaalaha mashruuca ka shaqaynaya ee ay Shirkadda iyo dad deegaanku wada galeen, waxba kama fulin, waxaana ka baxday shirkadda oo sidii lagu heshiiyay si aan ahayn wax u wadda” sidaasi waxa Gobanimonews u todobaadkii hore u sheegay Mahad Maxamed Cawaale oo ka mid ah Wax-garadka Gobolka Saraar.
Inkasta oo Mashruuca Sahaminta Shidaalka iyo Macdantu, rejo badan iyo soo jiidasho Maal-gashi u horseedayso waddanka, ahayd in Bulshadu si wanaagsan u soo dhaweyso, hadana marka hoos loogu daadego Caqabadaha horyaala oo ay ka mid yihiin, Cabashada shacbiga ee Qabyaalada ku dhisan, habacsanaanta Hay’adaha dawlada ee hawshan ku shaqada leh iyo qabyada shuruucda la xidhiidha Mashaariicda noocan ah ayaa Mugdi badan geliyay filasho kasta oo Mustaqbalka laga sugayay inay natiijo la mahadiyaa ka soo baxdo hawshan.
Waxaase la eegi doonaa halka ay cago dhigtaan doonista GENEL ENERGY , dareenka Bulshooyinka Deegaanka sheeganay iyo Door la’aanta dawlada ee hagida hawshan bilow ilaa dhamaad.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com