Tuesday, August 20, 2013

Qoryaale: Bulshada Deegaanka oo Xukuumadda ka dalbaday in loo Dhiso Xarun Xoolaha lagu Dhaqaaleeyo


Qoryaale(GNA)-Bulshada ku Dhaqanka Degmada Qoryaale ee Gobolka Togdheer, ayaa ka cabanaya adeeg la’aan dhinaca xanaanada xoolaha ah, oo aan ka jirin deegaankaasi, sida ay ku sheegeen Qoraal Cabasho ah oo ay gobanimonews soo gaadhsiiyeen xubno ka mid ah wax-garadka deegaanku.




Xoolaha Nool ayaa laf dhabar dhaqaale iyo mid nololeedba u ah bulshada Degmada qoryaale, waxaanay Odayaasha iyo wax-garadka degmadu xukuumadda ka dalbanayaan in loo sameeyo xarun lagu xanaaneeyo Xoolaha Nool ee ay dhaqdaan.




Qoraalka Cabashada ah oo ay ku saxeexnaayeen xubno ka mid ah wax-garadka iyo Gudida horumarinta degmadu ayaa lagu sheegay inay wasaaradda Xanaanada xooluhu ka gaabisay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee dhanka xoolaha.




Waxaana qoraalka lagu yidhi sidan:-
“Anagoo ah Odayaasha,Waxgaradka iyo Xoolo dhaqatada Degaanka Deg/Qoryaale waxaanu ka cabanaynaa Wasaaarada Xanaanada Xoolaha JSL oo aan wax horumarin ah ku samayn adeegyada Xanaanada xoolaha.




Degmada Qoryaale waa Degmo ay ku yaalaan 2500 Ceel Biyood,Xooluhunakaga soo arooraan 50 KM isku weer ah,Sidaas darteed Xoolahaasi waxay u baahanyihiin daryeel caafimaad iyo ogaal xanaanayn ah,waayo Degaanka degmadu xoolo dhaqato noloshooda koowaad ay tahay Xoolaha Nool,Markaas degaankaas iyo Bulshada ku nooliba waxay doonayaan in loo dhiso xarun  xanaano xoolaad iyo daawo loo dhigo Xoolahaas.
Iyadoo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uu balanqaadkiisu ahaa inuu horu mariyo adeegyada Bulshada Somaliland,Degmada qoryaalena Adeegyada ugu Muiimsani waa xoolaha nool.
Sidaas awgeen waxaanu rajaynaynaa in cabashadayada ay xukuumada la doortay ay si dhakhso a uga jawaabi doonto.
Magacyada Odayaasha Degaanka:
1) Jaamac Aadan Maxamed          G/Gudiga Degaanka 
2)Cali        Nuur         Yuusuf            Xubin
3)Xuseen Saleebaan Axmed        Xubin
4)Maxamed Yuusuf  Cabdi            Xubin
5)Xuseen  Saleebaan Maxamed Xubin
6)Racwi   Aadan    Cali                      Xubin 
7)Aamina   Siciid   Xasan                Xubin




Axmed muuse




Gobanimonews




Burco Office