Sunday, August 18, 2013

SLN:Dal Qarannimadiisii Quud Siistay iyo Shakiga ka dhashay Doodda Wasiir Casood iyo Madaxa Sama-falku soo qadimeen


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Axmed Cabdi Casood, ayaa shaaca ka qaaday inay  qorsheeyeen qaybinta raashin mucaawimo oo dawlada Turkigu u soo dirtay Goboladda Puntland, hase ahaatee dhinaca Somaliland loo soo wareejiyay, ka dib Maamulka Puntland diiday inuu la wareego.




Raashinkan oo uu siday Markab nooca Xamuulka qaada ah oo ay soo rartay Bisha Cas ee Turkiga oo mucaawimadan ku caawisay Somaliya, ayaa todobaadkii hore ku soo xidhay Dekedda Magaalada Boosaaso, halkaasoo la doonayay in lagu dejiyo, ka hor intaanay xubno ka mid ah Golaha wasiiradda ee dawlada Puntland ku war-gelin in lagu celiyo meeshii laga keenay iyo Muqdisho.




Go’aankan Wasiiradda Puntland ayaa maalmo kooban ka dambeeyay, markii Madaxtooyada Faroole ku dhawaaqday inay xidhiidhka u jartay Dawlada Federaalka ah ee somaliya oo ay ku eedeeyeen ku tumasho Dastuur, Maamulo xumo baahsan iyo Heshiisyo ay hore u wada galeen oo ay burisay, taasoo ay sheegeen inaanay Garoowe wax macaamil la yeelanayn ilaa ay khaladaadka jira ka saxayso.




Waxaanay Wasiiraddu dib u celinta Mucaawimadan ku sifeeyeen dhawe arimood oo ay ugu weyntahay inaan waxba lagala soo socodsiin markii loo soo dirayay dhinaca Puntland iyo in lagu Khal-khal gelinayo amaanka Gobolka.




“Qaabka sharci-daradda ah ee raashinkaan lagu soo diray iyo baalmarista Dowladda Puntland waa mid xadgudub ku ah Dowladda Puntland iyo shuruucda dalka" ayay ku sheegeen Wasiiradda Puntland  War-saxaafadeed ay soo saareen markii ay Deeqdan celiyeen.




Hadaba sheegashada  Somaliland ee Mucaawimadan ayaa maalin uu ka dambeysay, ka dib markii la ogaaday in Markabkii siday ku soo waajahanyahay Dekedda Magaalada Berbera, waxaanay masuuliyiinta Somaliland sheegayaan in raashinkaasi loo qaybinayo dadka danyarta ah eek u dhaqan Goboladda dalka oo dhan.




Wasiirka dib u dejinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta isagoo la hadlaya Warbaahinta dawlada sheegay “Deeqdan Raashinka ah ee Magaalada Berbera soo gaadhay waa deeq Somaliland ay leedahay Goboladda bariga iyo Goboladda kale waa deeq ay wada leeyihiin, waanan qaybinay, guddibaana loo saaray, Goboladda bari ha u badnaadeene, Gobol kasta oo Somaliland ah waa la siinayaa qaybtiisa, markaa rashinkaasi waa mid ay Somaliland iminka leedahay”.ayuu yidhi Axmed Cabdi Casood.




 Wasiirka ayaan faahfaahin intaasi ka badan ka bixin mucaawimadan oo gaadhaysa ilaa Kun Tan oo isugu jirta Bariis iyo cunnooyin kale.




Dhinaca kale, Maareeyaha Xafiiska Mucaawimooyinka Madaxtooyada Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye oo Gobanimonews wax ka waydiisay qaabka ay Mucaawimadan Somaliland ku yeelatay, maadaama ay ahayd mid loogu talo galay Puntland oo ka mid ah Nidaamka Federaalka somaliya ayaa ka gaabsatay inay wax tafaasiil ah ka bixiso arintan.




Waxaanay Aamina Maxamuud Diiriye sheegtay inay deeqdan iyo sida ay kula soo wareegeen ka warami doonaan marka ay dalka soo gaadho ee la qaybiyo “waxaanu ka warami doonaa marka ay inaga soo gaadho ee aanu qaybinayno, markaasaad warka heli doontaan, laakiinse iminka kama hordhacayo”ayay hadalkeeda ku soo uruurisay.




Deeqdan raashinka ah oo markii lagu soo hagaajiyay Puntland   ku wajahneyd degmooyinka Isku-Shuban iyo  Gal-dogob oo ka mid ah deegaanada Puntland iyo Degmada Taleex oo Somaliland Dhul ahaan hoos timaada ayaa dareeno kala duwan iyo guux ka dhex abuurtay Somaliland.




Mana cadda ilaa hada meesha ay wax ka khaldanyihiin  sida ay isu waafaqayaan qorshaha Mucaawimadu ku socotay iyo isbedelka ku yimi, inkasta oo la fili karo inay xukuumadaha labada maamul ee Hargeysa iyo Garoowe wax u dahsoonyihiin.




Mida kale dadka arintan dooda ka qabaa waxay leeyihiin qaadashada Mucaawimadani waxay waddo u samaynaysaa inay Somaliland noqoto Maamul hoos taga dawlada federaalka ah oo loo soo mariyo deeqaha kala duwan ee ay ka hesho beesha Caalamka.




Waana markii labaad ee ay Somaliland si badheedh ah u qaadato Mucaawimo loo soo mariyay Muqdisho mudadii saddexda sanadood ahayd ee ay Xukuumadda Siilaanyo talada haysay, waxaana hore ay Somaliland qaybteeda uga soo qaadatay deeq waxbarasho oo ay dawlada Turkigu siisay dawladii ku-meel-gaadhka ahayd ee Sh. Shariif Sheikh Axmed.




Hase ahaatee deeqdaasi  waxbarasho si siman ayay u qaybsadeen Somaliland, Puntland iyo Dawladii ku meel gaadhka ahayd.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com