Gobanimo news (borama)Kulan balaadhan oo ay maanta iskugu yimaadeen hogaanka dhaqanka Beelaha Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Gadabuursi ayaa waxa ay ku shaaciyeen Lix Qodob oo laga soo saaray kulanadii iyo shirar doceedyadii beelahan uga socday Xarunta Gobolka Awdal mudooyinkii u danbeeyay ee aayaha danbe iyo midnimada Beelahan Ay kaga arinsanayeen.
Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa ka dhacay Hotel Haldoor ee magaalada Boorama ayaa waxaa ay kaga dhawaaqeen gudi ay ugu magac dareen “Gudiga Midnimada Ee Beelaha Samaroon Meelkasta oo ay joogaan kuwaas oo ka shaqayn doonaa ama u taagan tahay lixdan qodob ee Hoos Ku Qoran.
1.Danaha Guud ee beelaha Samaroon meelkasta oo ay joogaanba .
2.Adkaynta ,Xoogana Saaraysaa ilaalinta nabadgalyada guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana degaanadan Beelahani ay degaan.
3. Horumarinta dhinacyada dhaqaalaha sida dhismaha dekeda Lughaya oo ay qaban qaabadeedii Socoto,xaga waxbarashada,Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha Dhaqaalaha.
4. Sidii ay nabadgalyo iyo walaaltinimo kula dhaqmi lahayd beelaha kale ee Somaliland Gaar ahaan Beelaha kale ee ay daris wadaagta yihiin.
5. gudigani waxa ay sii magacawday gudi qaban qaabo oo ku meel gaadh ah kana kooban 9xubnood oo isku jira xeer beegti,Aqoonaanyahano iyo odayd dhaqameed kale gudigaasi waa gudi qaban qaabo waxaana loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan sidii uu qabsoomi lahaa shirwayne ay iskugu yimaadeen beelaha Samaroon gude iyo dibadba iyo meesha iyo waqtiga ugu haboon ee shirkaasi ku qabsoomayo.
6.Gudigani waxa uu taageero buuxda siinayaa shirarka lagu qabanayo dalalka dibadaha sida maraykanka waxa ayna taageero buuxda siinaysaa shirka iminka lagu qabanayo minisota ee lagu ololaynayo dhismaha dekeda Lughaya waxa ayna farayaan qurba jooga ka soo jeeda Goboladan in ay gacan buuxda siiyaan dadkaas hawlahaas gacanta ku haya
Wariye: mustafe caraale{borama}
Caraale_143@hotmail.com