Monday, August 19, 2013

SLN: Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo Mar kale Eedeymo Kulul u soo jeediyay Xukuumadda






Hargeysa(GNA)-Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ayaa bedelay Magacoodii hore ee lagu aasaasay, waxaanay ku bedeleen Madashada wada-tashiga Aqoonyahanka iyo toosinta Qaranka.




Sidaasi waxay ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen badi masuuliyiinta ugu saraysa Golahaasi oo uu ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Xasan Guure, Xasan Ciise Jaamac iyo Muj. Ibraahim Dhego-weyne.




Golaha ayaa sidoo kale Eedeymo kale oo hor leh u soo jeediyay Xukuumadda talada haysa, xili aan wax natiijo ahi ka soo bixi dhexdhexaadintii laga dhex waday Xukuumadda iyo Golaha.




Waxay sheegeen inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waddanka ku hogaaminayso sidii ay ugu dari lahayd dawlada federaalka somaliya,iyo inay musuqmaasuq maamul iyo




“tan iyo markii ay sanadkii hore bilaameen wada hadalada Somaliland iyo somaliya waxa si tartiib tartiib ah oo u muuqata Indheer-garadka iyo aqoonyahanka reer Somaliland ugu soo baxayay in hab-socodka wada hadalada iyo Natiijada natiijada ka soo baxaysaaba muujinayaan in loo sii siqayo dhinaca Nidaam federaal ah”ayay ku yidhaahdeen qoraalka Goluhu warfidiyeenada u qabiyay.




“sidaasi awgeed waxa mawaadin kasta oo reer Somaliland ku waajib ah inuu ku dedaalo sidii si fiiro-dheer leh dib loogu eegi lahaa Xikmadda bilowgiiba ka dambeysay wada hadaladan iyo waliba tan ka sii muhiimsan oo ah habka ay xukuumadeenu u martay iyo waliba Heshiisyada la gaadhay Cawaaqib xumadda ay Somaliland ku yeelan doonaan”, ayaa qoraalka lagu sii yidhi.




Goluhu wuxuu soo jeediyay inaanay Heshiisyada ay xukuuamdda Somaliland la gasho Somaliya dhaqan geli karin ilaa loo gudbiyo Golaha Baarlamanka “Dhamaan Umadda Reer Somaliland waa inay fahmaan in heshiis kasta oo dhex mara Somaliland iyo somaliya aanu dhaqan-gal iyo sharci noqon doonin hadii aan loo gudbin Golaha Baarlamanka oo aanay ansixin sida uu dhigayo qodobka 53-aad, qaybtiisa 2aad Dastuurka Qaranku, heshiis kasta oo aan jidkaas dastuuriga ah la marina waxa uu noqonayaa mid aan u qalmin  xataa warqada uu ku qoranyahay”ayaa lagu yidhi.




Golaha Wada-tashiga ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Khiyaamo qaran geliyo hadii uu buriyo Dastuurkii lagu doortay.




“Madaxweyne Siilaanyo hadii uu buriyo  Dastuurkii uu u dhaartay inuu difaaco  waxay noqonaysaa Khiyaamo qaran , hogaamiyeyaasha somaliyana hadii ay isku maaweeliyaan inay qorsheyaal sir ah iyo Khiyaamada  qaar ka mid ah dadka Reer Somaliland ku keeni karaan midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo somaliya waxay gudayaan gudcur”.




Golahan ayaa tan iyo markii la aasaasay Diirimaad siyaasadeed iyo dood cusub ka dhex abuuray saaxadda siyaasadda Somaliland, waxaanay xukuumaddu ka muujisay Xaasaasiyad hor leh.




Hadalkan ka soo yeedhay Maanta ayaa imanaya xili natiijo laga filayay dhexdhexaadin xubno salaadiin ah oo isx-xilqaamay ka dhex wadeen Xukuumadda, taasoo hore u guul-daraystay, balse hadana dhinaca Goluhu ku taagnaa inay ayidsanyihiin.




Dhexdhexaadintaasoo shuruudihii Dhanka Golaha lagu xidhay ay ka mid ahayd inay bedelaan sheegashada magaca GOLLE, oo ay hada u muuqdaan inay u hogaansameen,kuna bedeleen MADASHA.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com