Hargeysa(GNA)-Shir ayaa Beesha Sacad Muuse uga furmay Deegaanka Agabar ee Gobolka Gabiley Axadii shalay, waxaana furay Odyaasha Dhaqanka ee Beeshaasi.
Shirkan oo muddo qabanqaabadiisu socotay, ayaa si rasmiya shalay loo furay, waxaana lagaga wada hadlayaa arimo ku saabsan Aayaha Beesha ee Mustaqbalka Masiirka umadnimo ee ay la wadaagaan beelaha kale ee Somaliland, sida ay sheegeen Salaadiinta Beeshaasi.
Halkan ka dhegeysa Khudbadihii salaadiinta:
salaadiintii shirka furay ayaa sheegay inuu shirku u furanyahay id kasta oo beesha ka tirsan, jirina cid laga loo diidaya, waxaanay intaasi ku dareen inay ka soo bixi doonaan waxyaabo umadda somaliland iyo qarankaba dan u ahi.
Guddida qaban-qaabada shirkan, ayaa si rasmiya ugu soo dhaweeyay Golaha Salaadiinta Beesha Deegaanka Agabar, waxaanay cadeeyeen inuu furmay shirkii ay soo qaban-qaabiyeen.
Shirkan oo aanay cayimnayn Mudada uu soconayaa ayaa si weyn ugu dhegtaagayaa Bulshada Reer Somaliland, gaar ahaan shacbiga Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa oo uu si saamayn ku yeelanayo Masiirkooda Umadeed iyo Mustaqbalkooda siyaasadeed.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com