Thursday, August 15, 2013

Sagaal Qof oo isugu jira Ganacsato iyo Shaqaale Dawladeed oo lagu Xidh-xidhay magaalada Berbera iyo Sababa qabashadooda


Berbera(GNA):- Ciidammada ammaanka ee magaalada Berbera, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay 9 qof oo isugu jira saddex nin oo Ganacsato ah iyo 5 qof oo ka tirsan Shaqaalaha dawladda hoose ee Berbera,  iyo wariyaha TV- Qaranka ee magaalada Berbera kuwaasoo lagu xidhay Saldhigga Booliska magaaladaas.




breaking-newsSagaalka qof ee la xidhay ayaa la sheegay inay saddex Dumar yihiin, kuwaasoo la sheegay inay saddexda Haweenka ah iyo saddex nin oo lixdooduba ka wada tirsan Hawl-wadeennada iyo Madax-waaxeedyada dawladda hoose ee Berbera, kuwaasoo uu warku sheegay inuu soo xidhay Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Berbera.




Halka Saddexda kale ay yihiin 3 Nin oo Ganacsatada reer Berbera ka tirsan, isla markaana la sheegay in lagu soo xidhay Waaran ay Maxkamadda Degmadu u jartay, waxaana saddexdaa nin la xidhay gelinkii hore ee maanta, halka lixda qof ee dawladda hoose u shaqaynayey-na la sheegay in la soo xidhay gelinkii dambe ee maanta.




Haddaba, Weriye ka tirsan wariyayasha ka hawlgala magaalda berbera, ayaa la xidhiidhay xubno ka tirsan Sagaalka qof ee la xidhay oo ku xidhan Saldhigga dhexe ee Booliska Berbera, kuwaasoo uu Weriyuhu wax ka weydiiyey waxyaabaha lagu soo xidhay iyo falalka ay geysteen ee lagu eedeeyey, ayaa ku dooday inaanay illaa hadda garan karin sababta xadhiggooda ka dambaysa.




Hase ahaatee, qaarkood Waaran Maxkamadeed oo aanay fahansanayn lagu soo xidhay, halka kuwa kalena ay ku doodeen in lagu soo xidhay amar uu bixiyey Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Berbera, balse aanay la socon xaqiiqada xadhiggoodu salka ku hayso.




Xubnaha ka tirsan Sagaalka qof ee xidhan ee ay Berberanews la xidhiidhay oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo, ayaannu weydiinnay waxa ka jira warar sheegaya in xadhiggoodu la xidhiidho musuqmaasuq cashuureed oo lagu eedaynayo inay galeen, ayaa ku dooday inaanay jirin wax musuqmaasuq cashuureed ah oo ay og yihiin oo ay sameeyeen. “Ma jiro Musuqmaasuq cashuureed iyo musuqmaasuq kale oo aannu galnay oo nalagu haystaa, hase ahaatee, waxaannu u arkaynaa inay sababta xadhiggayaga ka dambaysaa la xidhiidho arrimo kale oo beelaysan oo cid gaar ah lagu doonayo, cid kalena loogu aarayo, taasoo aannu u aragno inay wadaan Masuuliyiin dawladda ka tirsani.” Sidaa waxa iska daba-maray oo yidhi xubno ka tirsan dadka Berbera lagu xidhay ee Berberanews wax ka weydiisay arrimaha xadhiggooda.




Inkasta oo aannu isku daynay inaannu arrintan wax ka weydiinno Taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda, haddana weli noomay suuragelin inaannu helno oo aannu dhinacooda ka waraysanno dadkan lagu xidhxidhay Berbera, hase-yeeshee, waxaannu ku dedaalaynaa sidii aannu idiinku soo gudbin lahayn dhinacyada kale ee arrintani khusayso warkooda.
     Xigasho-Berberanews.com