Helesink(GNA) Shirkadda telefoonada iyo Tablets-ka soo saarta ee dalkan Maraykanka ee Apple ayaa ku guulaysatay dacwad ka dhan ahayd Samsung, ka dib markii uu dacwadaasi go’aan ka gaadhay Guddiga Maraykanka ee Ganacsiga Caalamiga ah oo magaciisa loo soo gaabiyo US ITC.
apple_sumsungphones Guddigan go’aanka soo saaray ee US ITC ayaa sannadkii 2011-kii hakiyay go’aan maxkamadeed oo shirkadda Samsung ku helay inay qaabka ay u sameysay qaar ka mid ah telefoonadeeda, qalabka Musiga iyo tabletska ay kaga dayatay shirkadda Apple.
Hadda guddiga US ITC amar ku bixiyay in suuqyada Maraykanka laga mamnuuco in lagu iibiyo alabaahaas shirkadda Sumsung, inkastoo sharcigan dhaqangalkiisa uu u xanniban yahay inta uu madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, uu dib u eegis ku sameynayo go’aanka guddiga.
Madaxweyne Obama oo haysta muddo 60 maalmood ah wuxuu u egyahay in aanu ka horiman doonin go’aanka laga gaadhay shirkadda Samsung.
Qoraal ay soo saartay shirkadda Samsung ayaa lagu muujiyay in shirkaddu ay ka xun tahay go’aankaasi guddiga US ITC oo ay ku tilmaamtay in aanu waafaqsaneyn shuruucada tartanka ganacsiga.
Hase yeeshee shirkadda Apple ayaa soo dhoweysay iyada oo ku tilmaamtay in guddiga US ITC uu ku biiray dacwadaha ka socda maxkamado adduunka ku yaalla oo lagu difaacayo xuquuqda hindisaha, kana horimanaya ku dayashada ay sameyso Samsung.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com