Tuesday, August 20, 2013

Prof.Caamir: Somaliland wali waxa ka jira Dhaqankii Keli Taliyaha ee laga Dagaalamay,Waayo Madaxweynuhu qof dambi galay ma Cafiyi karo..”


Hargeysa(GNA)-Prof. Siciid Xaaji Cabdi Caamir oo ka mid ah Aqoonyahanka Somaliland, ahna Xoghayaha Guddida Cadaaladda ee xisbiga Ucid, xubina ka sida uu sheegay Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka, ayaa shaaca ka qaaday inay siyaasadda Somaliland wali ka korin nidaamkii Keligii taliska ahaa ee laga soo dagaalamay, marka la eego dhaqamada maamul iyo ku tumashada sharci ee hogaanka waddanku caadaystay.




Prof. Caamir oo Wareysi dheer siiyay Mareegta Gobanimonews, ayaa sheegay in Madaxweyne siilaanyo iyo xukuumaddiisu ku kaceen waxyaabo ka dhan ah dastuurka dalka iyo dimuquraadiyada, taasina ay abuurtay saluug ay bulshadu kala horti gaar ahaan ragii dalka u soo halgamay.




Wareysigan oo uu Aqoonyahan Caamir kaga hadlay arimo door ah oo ku saabsan dhinacyada sharciga iyo siyaasadda ee waddanka, ayuu sidoo kale ku sheegay in Musuqmaasuqa iyo maamul xumaddu ka mid tahay waxyaabaha dhaliyay Mucaaridada ka dhanka ah Xukuumadda.




Prof. Caamir oo sidoo kale Barre ka ah Jaamacadda Magaalada Hargeysa ayaa isagoo sharaxaya awoodda madaxweynaha iyo waxyaabaha uu ku dhaliilayo ee dastuurka ka hor-imanaya waxa uu yidhi,“Madaxweynuhu waa shaqaale Shacbiga u shaqeeya oo adeege ah, waana lala xisaabtamayaa oo wuxuu ka dhiganyahay Nin aad Geel u diratay oo aad waydiinayso waar geelihii muxuu biyo cabay, maxaa cadho ku dhacday, maxaa waxaa u keenay, laakiinse Madaxweynuhu maaha inuu siduu doono yeelo, qof ma cafiyi karo dambi galay, laakiinse wuxuu awood u leeyahay inuu qof Dil lagu xukumay ka baajiyo xukunka, laakiinse iminka waxaad arkaysaa isagoo dad dambi galay cafiyaya, taasina waa dhaqankii Keligii Taliska, waddamada dimuquraadiga ahna kama dhacdo, tusaale ahaana  Madaxweynaha Maraykanku ma cafiyi karo qof dambi ku cadaaday,Ingiriiska kama dhacdo, Holand kama dhacdo”.




Prof-ka oo ka hadlayay aragtidiisa ku wajahan Golaha wada-tashiga iyo Toosinya ayaa sheegay “Golaha wada-tashigu waa dadkii waddanka lahaa, waa ragii Madaxweyne Siilaanyo la soo halgamay, maaha rag looga baqayo inay Somaliland bur-buriyaan, markaa hadii ay yidhaahdeen aynu wada tashano oo aynu toosino qaranka  wixii ka khaldama, oo aynu tilmaano madaxweynaha in lagu qayliyo maaha, waxaanan qabaa inay madaxweynaha laftiisa waxay u kordhiso maayaane waxba ka dhimayn”.




Musuqmaasuqa,  arimaha Cadaalada iyo Xadhiga Saxaafadda ayuu sidoo kale ku dhaliilay xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi,  “Musuqmaasuqa jira iyo Cadaalad darada jirta waxa ka mid ah, Doraad Wasiirka Duulistu wuxuu ku faanayay Madaarka waxaanu ku dhisnay Lacagtii labada Dollar ahayd ee dadka laga qaaday, waanan ogayn in lacagta Madaarka lagu dhisay ay inagu caawisay Dawlada Kuwait, oo 10 Milyan oo Dollar ay bixisay, markaa waxa muhiim ah in wasiirka la waydiiyo meeday lacagtii?muxuu ugu faanayaa labada Dolar ee Shacbiga laga qaaday.




Waxyaabaha kale ee jira waxa weeye madaxweynuhu wuxuu cafiyay Wargeyska Hubaal, wargeyska Hubaal markii horeba waxa lagu xidhay xaaraan oo lagu haystay, waxaanay ka mid tahay waxyaabaha lagu cabudhinayo Saxaafadda iyo xoriyada, caalamka saxaafada waxay baahisaa waa hadal, hadalkana hadii khalad ku jiro waxa lagu qaadayaa Kiis Medeni ah, hadii dambi ku cadaadona waxa lagu xukumayaa ganaax”.




Dhinaca kale aqoonyahankan, ayaa saluug iyo Mugdi dhinaca siyaasadda ka muujiyay Heshiiskii dhawaan ka dhacay waddanka Turkiga ee ay Somaliland iyo somaliya kaga heshiiyeen Maamulka Hawada, isagoo dhanka kalena tilmaamo ka bixiyay, qaabka ugu haboon ee ay Somaliland kaga gun-gaadhi karto qadiyadda ah inay madaxbanaanaato Somaliya.




“wada hadalada Somaliland maaha inay xukuumaddu isku koobto oo ay dirto marba wasiiradeeda iyo dad aan waxba ka aqoon dalka iyo wixii loo soo maray, laakiinse waxay ahayd in Guddi balaadhan oo shacbiga Somaliland Lawyo-caddo ilaa Ceelaayo metela loo saaro, waxa laga wada hadlayaana ay noqoto waar aqoonsigayagii na siiya, hadii ay diidaana, dacwad laga furto Maxkamadda IGAD oo si Caalamiya loo waajaho markaa, laakiinse maaha marba Inamo yar yar oo aan umadda meteli Karin la diro, Heshiiskan Maamulka Hawaduna inkasta oo ay qolada somaliya ka baxday, hadana maaha wax umadda Reer Somaliland qadiyadeeda faa’ido u soo kordhinaya, wuxuu horseedayaa in Wasiir Federaal ahi Hargeysa yimaado oo uu yidhaahdo waxaan soo kormeerayaa Xafiiskii Diyaaradaha”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Hadii dhaqaale loo gelayana wax macno ah taasi ma samaynayso oo hadii ay lacag cunaan hadhow marka la kala baxaba waa lagula xisaabtami doonaa”.




Prof. Siciid waxa uu carab-baabay in Masuuliyiinta ku bahoobay Golaha wada-tashiga iyo toosinta Qaranku ay yihiin raga maanta ka turjumi kara rabitaanka dadka reer Somaliland, sidaasi darteed loo baahnaa in iyaga hormuud looga dhigo taabo gelinta madaxbanaanida Somaliland, waxaana dadka uu carabka ku dhuftay ka mid ahaa Muj. Xasan Ciise jaamac, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Ibraahim Dhego-weyne oo dhamaantood ka mid ah aasaasayaasha Golaha Mucaaridka ah ee Wada-tashiga iyo toosinta.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




Ka dhegeyso Goor dhow Wareysigan oo dhamaystiran Radio Gobanimo..