Hargeysa(GNA)-Duulimaadyadii Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa dib u dhac ku yimi mar kale ilaa muddo aan caymyanyn, ka dib markii madaxweynaha somaliland maalin saddexaad xadhiga ka jaray dayactir qabyo ah oo lagu sameeyay, waxaanay masuuliyiinta wasaaradda duulista Hawadu maanta sheegeen inay wali wax ka dhimanyihiin hawshii dib u dhiska Gegida Diyaaradaha ee muddada lixda bilood ah socotay, sidaasi awgeed dadweynuhu u dulqaataan mudo kooban oo lagu so oaf-meerayo.
Hadalkan ayaa ka dambeeyay kulan ay maanta isugu yimaadeen Masuuliyiin ka socota Wasaaradda iyo shirkaddaha Duulimaadyada ee Somaliland oo go’aankan si wada jir ah Warbaahinta ugu sheegay, kulankaasi ka dib, waxaana la sheegay in dhakhso loo dhamaystiri doono hawsha madaarka, mudada la dhamaynayana ay duulimaadyadu sidoodii uga socon doonaan Madaarka Berbera.
Arintan ayaa sababtay in shirkaddaha Diyaaradaha qaarkood Macaamiishooda ka raali-geliyaan dib u dhaca ku yimi duulimaadyadii Madaarka Hargeysa oo si weyn loo wada sugayay, isla markaana ku war-geliyeen inay diyaaraduhu sii isticmaali doonaan Madaarka Berbera, sida uu sheegay Maamulaha Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airline Muniir Xaaji Cabdilaahi (Abusite) oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay .
“Maanta waxaanu ka qayb-galnay shir ay halkan wasaaraddu noogu qabatay, kaasoo lagaga wada hadlayay sidii loo diyaari lahaa nidaamkii duulimaadyada ee Madaarka Hargeysa, waxaana layskula qaatay in mudada hawshaasi socoto ay duulimaadyadu sidoodii hore uga sii socdaan madaarka Berbera, markaa waxaanu Macaamiishayada sharafta leh ku war-gelinaynaa inaanaan wali bilaabin duulimaadyadii Hargeysa, arintan awgeed ee ay diyaaradihii madaarkii berbera ka soo degi doonaan kana duuli doonaan, annagoo Inshaalaah rajeynayna inay dhakhso hawshani u dhamaato oo aanu halkan u soo wareejino”.
Dhinaca kale, waxa shirkaasi ka dib Warfidiyeenada la hadlay Eng. Siqiiro oo ka mid ah saraakiisha dhinaca Duulimaadyada ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada , kaasoo sharaxaad ka bixiyay sababaha dhaliyay in dib loo dhigo hawlihii Madaarka ee dhinaca Duulimaadyada iyo xiliga la bilaabayo, waxaanu sheegay inay Muddo saddex todobaad ah ku gabagabeynayaan waxyaabaha qabyada ah ee Madaarka, wixii ka dambeeyana la bilaabi doono.
Dhabadda diyaaraduhu ka duulaan ee gegida diyaaradaha Cigaal international Airport, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xadhiga ka jaray Sabtidii todobaadkan , iyadoo aan wali la dhamaystirin, isla markaana dhawr jeer oo hore dib u dhac ku yimi mudadii loo cayimay in lagu dayactiro, waxaanay tani keentay in dad badan oo filayay inay Hargeysa ka soo degaan wixii ka dambeeya bisha August mar kale lagu khasbo inay ka soo degaan ama ka duulaan Madaarka magaalo xeebeedda Berbera oo ay dadku rafaad , kulayl iyo Taraak kale oo dhulka ah ku muteystaan marka ay diyaaradaha ka soo degaan.
Waxaanay arintani si khaasa u saamaysay dadka qurbo-jooga ah oo xiligan oo kale dib u laabta iyo Xujaajta Xajka soo gudanaya oo iyaguna aad u mashquuliya wakhtigan oo kale duulimaadyada Diyaaradaha, maadaama ay tiro ahaan dhan jibaar ka badanyihiin dadkii dhoofi jiray xiliyada caadiga ah.
Waxaana dhacdo oo inta badan Taraaga Berbera iyo Hargeysa ka dhasha Shilalka Baabuurta dadka Daabulaya oo Xawli aad u ku soo mara jidka Bur-bursan ee isku xidha magaalada, shilalkaasoo sanadkii hore sababay dhimashada Xujaaj ka soo laabatay Xajka oo Gaadhi kula rogmaday dhexda iyo rafaad badan oo kale.
Dhicista arimahan oo dhan ayaa loo aanaynayaa Masuuliyad darrada iyo Maamul xumo dusha u saran Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland oo dhismaha Run-way-ga Madaarka Hargeysa oo ay ku baxday lacag ka badan shan Milyan oo Dollar ku noqoday Mashruucii Fanoole, una baahan dib u eegis iyo baadhis lagu sameeyo qaabka loo fuliyay iyo tayada waxa la qabtay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com