Thursday, August 15, 2013

Orodyahan reer jabuuti ah oo ku guulaystay bilada maarta ee kaalinta sadexaad orodka 800m + interview


14.08.2013 (GNA)-Moscow orodyahan u ordaayey dawladda jabuuti oo ku guulaystay kaalinta sadexaad orodka 800m ciyaaraha fudfudud ee addunka oo ka socda dalka raashia caasimadiisa Moscow. Ayaanle Suleymaan oo u ordayay Djibouti ayaa helay biladda maarta ee kaalinta sadexaad.Waa markii ugu horaysay ee dalka Djibouti uu helo bilad tan iyo markii Ahmed Salah uu biladda qalinka ah ka qaatay orodka marathon-ka adduunka sanadkii 1991, kaasi oo ka dhacaya magaalada Tokyo ee dalka Japan.Waxaa tartankan biladda dahabka qaatay Maxamed Aman oo u dhashay Ethiopia, iyadoo kan labaadna uu noqday Nick Symmonds oo Maraykan ah oo qaatay biladda qalinka.




Ayaanle Souleiman wuxuu yiri: "caawa Djibouti oo dhan laga dabaaldegayo sababtoo ah buu yiri waa markii ugu horeysay ee bilad dalku helo muddo 25 sano ah.




Wuxuu intaas ku daray: "wali waxaan ka qaybgalayaa tartanka 1500m maalinta Arbacada, Ilaahay Idankiina waan ku guulaysan doonaa".




 




https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=xkWj3288y_0




 




 




www.gobanimonews.com (GNA)