Wednesday, August 21, 2013

Masar: Akhwaanu Muslimiinka oo Doortey Hoggaamiye cusub markii la Xidhey Ninkii Madaxda u ahaa


 







Qaahira(GNA)-Ururka Akhwaanu muslimiinta ayaa u doortey hoggaamiye  ku meelgaadh ah  Mahmoud Ezzat saacado kadib markii masuuliyiinta Masar ay xabsiga u taxaabeen hoggaamiyihii sare ee ururka.




Mahmoud Ezzat, oo ah dhakhtar  69 jir ahi waxa ay doorashadiisu ku soo beegmeysaa xilli farabaas lagu hayo ururka muslimiinta  ee madaxweynihii la afgembiyay ee  Mohammed Morsi. 




Warbaahinta ayaa ku tilmaantey Maxamuud Cissaat inuu yahay nin adag oo lagu naaneyso 'iron man.




Dhinaca kale Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in  Maxamed Badiic laga soo qabtay guri ku yaalla xaafadda Al-Nasar, oo ah halka ay dibedbaxyadu ka dhigayeen taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamad Mursi.




Akhwaanu muslimiinka ayaa cambaareeyay xadhigga  hoggaamiyahooda iyo waxyaabaha lagu eedeynayaba.




Ciidammada ammaanka ee Masar ayaa xoog ku kala diray dibedbaxyadaas waxaana halkaas ku dhintay boqolaal ruux.




Weriyayaasha ayaa sheegaya in xidhitaanka Badiic ay dhibaato ku tahay Ikhwaanul Muslimiinka oo boqolaal ka mid ah xubnahooda iyo taageerayaashooda xabsiga loo taxaabay.




Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku baaqey dibedbaxyo looga soo horjeeda dowladda uu militeriga taagera ee Masar.




Waxay dalbanayaan in xukunka lagu soo celiyo Maxamad Mursi.




Militeriga dalka Masar ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii ugu horreyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorta ee dalka Masar kaddib dibedbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeeday xukunkiisa.