Wednesday, August 21, 2013

Boqorka Sucuudiga oo Diyaarad Khaas ah u kireeyay Nin Culeyskiisu 1.345 Rodol gaadhay


Riyadh(GNA)-Nin lagu magacaabo Khalid Mohsin Shaeri oo  culeeskiisa lagu sheegay 1,345 rodol oo hadii uu sax yahay culeyska lagu sheegay noqonaya ruuxii labaad ee ugu culeyska badnaa dunida inta la xasuusto ayaa waxa gar-gaar loo sameyn lahaa si culeyska looga dhimo waxaa dib u dhigay sariir gaar ah oo loo sameynayay.




Guriga Khalid Mohsin Shaeri ayaa qeyb laga dumiyay si looga soo saaro maadaama albaabka guriga uu ka weynaaday markii culeysku ku batay




Boqor Abdullaha Sucuudiga ayaa waxa uu ninkan oo isna Sucuudiyaan ah u diray diyaarad meleteri oo si gaar ah ugu qaada Cusbitaal ku yaalla Mareykanka isaga oo balan qaaday in uu bixin doono dhamaan qarashaadka lagu daweyn doono si naftiisa loo bad-baadiyo.




Boqorka ayaa waxa uu dhiibay amarka lagu daweynayo Khalid Mohsin Shaeri lix bilood ka hor haseyeeshe waxaa arinta dib u dhigay sariir gaar ah oo looga diyaarinaayay cusbitaal ku yaalla Mareykanka kadib markii la ogaaday in sariiraha caadiga ah aanu  ku jiifsan  Karin.




Mr Shaeri ayaan in ka badan laba sano gurigiisa banaanka uga soo bixin  sababo la xadhiidha culeyska ku batay.




Qaadida Khalid Mohsin Shaeri ayaa waxaa iska kaashaday wasaarada caafimaadka Saudi Arabia, kooxda difaacda Shacabka iyo bisha cas ee dalkaasi




Afhayeenka wasaarada caafimaadka Saudi Arabia ayaa waxa uu sheegay in Mr Shaeri da’diisa lagu qiyaasay 18 ilaa 20sano jir.




Ninka aduunka ugu culeyska badnaa inta la xasuusanyahay ayaa waxa uu ahaa Jon Brower Minnoch oo Mareykanka u dhashay kaaso oo dhintay 1983-dii waxaana culeyskiisa lagu sheegay 1,400 rodol waxa uuna cel celis ahaan ka culees badnaa Mr Shaeri 55 rodol.