(GNA) Gudoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi barri Kenya Harun Rashid ayaa sheegay in ciidamada amaanka wadanka Kenya ay toogteen 20-dagalamayaal Al-shabab ah oo ku dhumaaleysanayay degaan dhaca dhanka soodinta Kenya ay la wadaagto Somalia.
Saraakisha amaanka wadanka Kenya ayaa sheegay in dagalamayaashasi latoogtay la rumaysan yahay in ay qeyb ka yihiin 40-dagaalamayaal al-shabab ah oo iyaga galinki danbe maalinti jimcaha weerar ku qadaay saldhig ay ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin degaanka Galmagala.
Saraakisha waxa ay hadalkoda intaa ku dareen in dagaalo mayasha la rumaysan yahay in ay Al-shabab ahayen in ay wateen dareeska ciidamada xukuumadii KMG wadanka Somalia,waxana sidoo kale ay shaaciyen dagaalkii dagalamayashaasi lagu toogtay inuu soconayay 4-sacadood.
Mr Harun ayaa sheegay in ay wadaan howgal sidoo kale ay ku baadi gobayaan tiro kale oo Al-shabab ah oo lagu sheegay inay ku dhuumalaysanaya degaano ku dhirirsan soodinta Kenya la wadaagto wadanka Somalia.
Diyaariye:askar
Gobanimonews.com