Burco(GNA)-Ciidamada amaanka Somaliland ayaa Xalay Hawl-gal ay ka fuliyeen Magaalada Burco ku soo qab-qabtay ilaa afar qof oo ay ku jiraan xubno ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Reer Burco.
Sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugan Magaalada Burco, hawl-galka ayaa dhacay abaaro 2:30 Badhkii habeenimo ee xalay, waxaana ka mid ah dadka ay bilaysku xidheen Nin ka mid ah Culimadda waaweyn , Ganacsatada, Guddiyada Horumarinta Jaamacadda iyo Gobolka , kaasoo magaciisa la yidhaahdo Siciid Axmed Jaar oo sida la sheegay ka mid ah Saamileyda Shirkadda Isgaadhsiinta ee African online ee Gobolka Togdheer.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa Saddex nin oo dhalinyaro ah laga soo qabtay Guri uu leeyahay Ganacsade isna magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdilaahi Cabdi oo ah Nin bagaashka ka soo dejiya dibada, kana yimi waddanka sucuudiga, kaasoo sida la sheegay isagu ka maqnaa Guriga xiliga ay Ciidanku galeen, ka dib la soo qab-qabtay laba Wiil oo uu dhalay iyo mid ay Walaalo yihiin.
Mid ka mid ah dadkii ka ag-dhawaa markii ay bilaysku hawl-galka fulinayeen oo degen Xaafadda Maxamed Cali ee Magaalada Burco oo ah meesha dadkaasi laga soo qab-qabtay, ayaa Gobanimonews u sheegay “ Ciidan ka mid ah RRU-da oo Hargeysa ka yimi sida naloo sheegay ayaa labadii iyo badhkii Habeenimo ina Axmed jaar ka soo qabtay Gurigiisa intay u daateen, waxa kale oo ay ciidanka galeen Guriga Nin kale oo Ganacsade isaguna ah oo ay ka kaxaysteen saddex caruur ah oo joogay, waxaanu ahaa hawl-gal dadka khal-khal ku abuuray”.ayuu yidhi goob-joogahan oo magaciisa qariyay.
“wuxuu ahaa Nin Ganacsade ah oo aan wax dhibaato ah cid u geysan, wuxuu ahaa nin sheikh ah, waxaanu ka mid ahaa Guddida Jaamacadda iyo, Guddida horumarinta Gobolka, mana garanayno sabab loo xidhay iyo wax lagu haysto toona, ciidanku markii ay noo soo galeen wuu u soo baxay, sharaf leh ayuu isugu dhiibay , waanay kaxaysteen”sidaasina waxa Horn Cable u sheegtay Xaaska Sheikh Siciid Axmed Jaar oo maanta la hadashay.
Geesta kale qoyska laga xidh-xidhay saddex qof ee kale ayaa iyaguna sheegay inay dhibaato ka soo gaadhay hawl-galka Ciidanka “labadii iyo badhkii Habeenimo ayay Guriga u soo daadteen, waxay noo geysteen bur-bur iyo fatashaad ay guriga ku sameeyeen, waxay qaateen saddex wiil oo Kuray ah, waxa kale oo ay jajabiyeen alaabtii Guriga taalay qayb ka mid ah, waxa kale oo jira alaab ay qaateen oo Guriga ka maqan, oo ay ka mid yihiin Lacag iyo Labtop-yo”sidaasina waxa tidhi Haweenay u hadashay Qoyska Reer Maxamed Cabdilaahi.
Dhanka kale, waxa warku sheegayaan in dadkaasi isla xalayba loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa, inkasta oo aan la xaqiijin meesha lagu xidhay iyo sababta loo xidhay toona.
Mana jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Bilayska iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha oo la xidhiidha hawl-galkan , hase ahaatee Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka Togdheer Gaashaanle Ilkacase ayaa Warbaahinta u sheegay inuu hawl-galkaasi fulay wixii cabasho ah ee ka yimaadana ay uruurinayaan.
“Hawl-galkaasi wuu fulay,waxaana jira dad lagu soo qab-qabtay, waxaanu ahaa mid ay Bilayska gobolka iyo Hay’adaha amnigu ka wada socdeen, wixii cabasho ka yimaadana waanu uruurinaynaa, qofkana hadii arin loo xidho dambiiluu noqon oo waxbaa ku cadaan ama waxba waa lagu waayi doonaa, dee horena waakii hawl-galo kale ka dhaceen Gobolka”ayuu yidhi.
Bishii May ayay ahayd markii ay Ciidanka amniga ee RRU-du ku dhex dhaceen Bacadlaha Magaalada Burco, ka soo uruuriyeen dhawr toban qof oo tuhuno Argagixiso loo soo qabtay, kuwaassoo markii dambe qaarkood la sii daayay.
Afarta qof ee Xalay la soo qab-qabtay ayaa la sheegay in lagu tuhunsanyahay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ah ee Gobolka,sida ay Gobanimonews u sheegeen Saraakiil Laamaha amniga ka tirsani.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com