Waxa ayaan daro inteeda leeg ah in kolba qof dalka dibediisa jooga oo ay qaaday caadifad xaafadeed uu ku dul kufo siyaasi ay dadkiisa iyo dalkiisuba u mahadnaqeen oo ay dareemayaan qiimaha uu ugu fadhiyo ay meelahaasi ka soo caayaan kolba wiil yar oo iska sheeganaya Engineer aan la garanayn meel uu ka soo qalin jebiyey balse aan anigu u malaynaayo in uu ka soo baxay kuliyada difaaca caafadaha iyo iska indho tirka qiimaha siyaasiga dhabta ah.
Waxa aan taasi uga socdaa waxa aan maqaal ku arkaayey website yada oo uu qoray nin isku sheegay eng yuusud Axmed kaasi oo si toosa u weeraray xildhibaan nac-nac iyo madaxweyne silaanyo waxa aan aad ual yaabay oo aan hadalkiisa ka dhadhan saday in ninkaasi ay haysay cadho ka dhalatay muxuu nacnac u soo hadal qaaday Mujaahid Xasan Ciise balse waxa aan leeyahay Saaxiib waxa kaa dhiman in yar oo aqoon kororsi ah ha moodin uun in layska qorto uun Eng hebel oo dadka la iska af-lagaadeeyo balse ku darso in wax walba xeelad iyo siyaasadi ku dheehan tahay ogona ninkan aad shaadhka ula baxday ee aanad waxba ula hadhin adiga oo weliba difaacaya mujaahid Xasan ciise in aad tahay qof aan guna jirin ma ogtahay labada nine e aad midna u hiilinayso midna aad caayeysaa inay yihiin laba nin oo isku dhiiga oo walaalo ah oo mujaahidiin wada ahaa oo weliba nacnac uu ahaa kii la taba taagtaa kharashka ee jeclaa in uu wax noqdo xasan ciise.
Ku darso oo ma og tahay in aad adigu ku talax tagtay taariikho hore oo aanad waxba ka ogayn iyo inaad taataabatay shaqaalaha wasaaradaha Hargeysa adiga oo nac-nac isaga dhigaya xariif u war haya shaqaalaha dawlada balse ismaad waydiin inaad tahay qof qurba jooga oo aan dalkaba joogin halka xildhibaankuna uu habeen iyo maalinba isaga joogo shaqadiisa iyo tan bulshada loo hayo oo uu ka war hayo talaabadii ku soo korodhaba taasi oo weliba ay shicibku ku amaanan kuna bogaadiyaan habeen iyo maalina ay ugu mahadnaqaan.
Waxase nasiib daro ah inaad adiga oon dadka waxba ka dhex ahayn aad tidhaahdo Madaxweynihii qaranka ee 99% ay codkiisa siyeen aad ku tilmaanto nin ilaa 1991 kii u shaqaynaayey dahabshiil misena aad tidhaahdo waxa uu sameeyey danbiyo qaran anigu waxa aan ku odhan lahaa dib isugu noqo oo isku day inaad ahaato qof ku dhawaada runta oo alle ka cabsada beentana dareema dhibteeda hana ku dhaqmin inaad xaqana duudsido xumaantana aad amaanto .
Xildhibaankana Xaal sii meel ayaad kaga dhacdaye dad weynaha laftoodana raaligeli madaama aad waxba kama jiraan ka soo qaaday qiimihii iyo dedaalkii ay la garab taagaanyeen Xildhibaanka Xildhibaanada Somaliland eek u caanbaxay wax ka qabashada arrimaha Bulshada iyo adeegyada aas aasiga ahba.
Bye Sawda Ladan/ Hargeysa Somaliland