Wednesday, August 14, 2013

Wasiirka W. Arimaha Gudaha Iyo Hamigiisa Bilicda Magaalada. By: Cabdilaahi Solar


Runtii Waxa Mudan In Horomarka Muuqda Iyo Himilooyinka Madaxda Dalka in la soo Bandhigo Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha JSL Mudane Cali Waran Cadde Waxa Looga Bartay inuu Isbadal Muuqda ku sameeyay Wasaaradihii Kala Duwanaa ee Uu Xilalka ka soo Qabtay, Xukuumadihii Kala Dambeeyay Isagoo Wasiirku Wasaaradihi uu masuulka ka ahaa Ku sameyay Dib u dhisyo Maamul Daadajin Iyo Horomar Muuqday,




Dhawaan ayaa madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxmuud (Siilanyo) U magacaabay Xilka Wasiirka W Daakhiliga JSL  Oo ah Mid ka Mid ah Wasaaradaha Ugu Culus Uguna xasaasisan Howlaha Qaranka, ayaa Maalintii Ugu Horaysay ee Xilwareejintisa ahayd Khudbadiisi waxa kamid ahayd  Inuu Wax Ka Qaban Doono Bilicda Magaalada,Taas Oo ku tusaysa Himiladiisa In uu Durba Muujiyay Wax qabad Dhab ah oo uu Markii Ugu Horaysaba Soo saaray Wareegto uu u Diray maayarada magaaloyinka Dalka oo uu ku Amro Tilmaane cad Ku siinayo Qaabka wax looga Qabanaayo Bilicda Iyo  kor uqaadida  magaalooyinka Nadaafada taas Oo dadweynuhu Aad ugu Riyaaqeyn,




Shaki Ku Majiro In Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha JSL Mudane Cali waran cade uu ahaan lahaa Maayerka Caasimada  inay magaaladu la tartami lahayd Casimadaha Aduunka, Waxase ka qiima badan in maskaxdiisa iyo Waya aragnimadiisa ka faa idaysan Doonaan Dowladaha Hoose Ee Dalka, Maadaama ay Wasaarada Arimaha Guduhu ee uu Wasiirka  yahay Qaranka Ugu xilsaaran tahay inay Dowladaha Hoose Ku ilaaliso Ku Dhaqanka Shuruucda Dalka iyo Dastuurka, Waxa layaab leh waxa layaab leh in mid ka mid Xisbiyada Mucaarid ka ahi wasiirka ku Eedeyeen Talaabadan Horomarka leh ee uu qaaday una arkay inuu wasiirku  Faragalinaayo Howlihi Dowladaha Hoose Dalka




  Cabdilaahi Soolar