Saturday, August 10, 2013

Talo Guud Oo Ku Socota Dhalinyarada Kasoo Jeeda Deegaanka Hawd Ee Kililka 5aad.by:C/rashiid A Guuleed

Horumarka Guud ee Itoobiya ka Hirgalay 22kii ee ugu Danbeeyey




Itoobiyada Federaalka ahi waxa ay ka kooban tahay ilaa 10 maamul goboleed oo kililo loo yaqaano.
10 kaa kilil waxa ugu baaxad wayn kililka 5aad oo ay degto qoomiyada Soomaalidu, waxaana ku
soo xiga kililka ay degto qoomiyada Oromadu. Dad ahaana waxa ugu badan qomiyada Oromada.
Kililka 5aad waxa kale oo loo yaqaanaa “deegaanka Somalida Itoobiya”. Itoobiya 22kii sanno ee ugu danbeeyey ee ay ka talinaysa xukuumada haatan talada haysa ee loo yaqaano “Ethiopian Peoples
Revolutionary Democratic Front (EPRDF)” waxa wadanka si guud uga hanaqaaday horumar dhaqaale oo dhinacyo badan taabanaya. Adeega bulshada ee aasaasiga ah waxa la gaadhsiiyay meel aad u sareeya. Waxbarashadu waxa ay gaadhay in kilil kasta laga hirgaliayay jaamacado. Sida loo kala dad badan yahayna gobolada qaar bay dawladu ka samaysay ilaa toban jaamacadood oo heer walba leh.
Deegaanka somalida waxa loo sameeyey jaamacada loogu magac daray caasimada deegaanka oo loo bixiyay Jigjiga University. Eeriboodhada casriga ah iyo laamiyada casriga ayaa sidoo kale uu kililku qaybtiisa helay. Waxa sidoo kale meel fiican maraya adeegyada biyaha iyo caafimaadka. Xarun degmo oo kasta waxa manta kililka laga suuro geliya Goob Caafimaad ama Health Center ay u dhamaystiran yihiin qalabkoodii iyo shaqaalahoodiba. Kililku marka uu ka mid yahay kililada Itoobiyada federaalka ah ayaa haddana waxa uu usii kala baxaa sagaal gobol ama waxa loo yaqaano “zones”. Zone kastaa waxa uu leeyahay magaalo madaxeedkiisa. Markaa 9ka zone intooda badana waxa gaadhay laydhkii 24ka saac baxayay ee laga soo jiiday laydhka Itoobiya ee santraalka ah ama wada gaadha wadanka daafihiisa oo dhan. Wadanka iminka waxa ka jirta siyaasada loo yaqaano “Economic Transformation Policy” oo looga
gol leeyahay in muddo aan ka badnayn 5ta sanno ee soo socota in wadanku uu ku biro wadamada uu



dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay. Bankiga adduunkuna waxa uu ka markhaati kacay in korodhka dhaqaale ee wadanku ku socdaa inuu yahay kii loo baahnaa sidaa darteedna ay Itoobiya mustaqbalka dhaw ay gaadhi doonto dhaqaale meel dhexaad ah. Waddanka waxa horumarkaasi u horseeday siyaasada ku sallaysan horumarinta waxsoosaarka beeraha ee ay ku talaabsatay xukuumada talada haysa ee xisbiga EPRDF ee uu himiladiisa gadhwadeenka ka ahaa hogaamiyihii dhawaan geeriyooday ee
Raysal Wasaare Meles Zenawi, iminkana uu halkii kasii wado hogaanka talada dalka la wareegay.



Khayraadka Kililka 5aad



Kililka 5aad waxa uu hodan ku yahay khayraadka beeraha iyo khayradka xoolaha nool. Itoobiya waa wadanka 1aad ee Africa ugu xoolaha badan. Kililka 5aadna waa deegaanka Itoobiya ugu xoolaha badan.
Kililka shanaad waxa ku yaala ilaa 3 wabi oo waaweyn.waxa intaa kuu dheer tobonaan dooxo oo ah nooca loo yaqaano wabiyada qalalan, kuwaasi oo xilli roobaadka ay maraan biyo aad u badan isla markaana laga samayn karo dhaamam aad u waaweyn oo lagu waraabin karo kumanaan hectar. Dhul beereedka kililka 5aad waxa lagu qiyaasaa malaayiin hektar. Dhul beeraadkaasi oo u kala qaybsama dhulka wabiyada iyo biyaha riigaga lagu qoday lagu waraabin karo iyo dhulka biyaha cirka lagu waraabin karo. Dhul beereedkaasi waxa loo kala qorsheeyey dhulka loogu talo galay in ay beeralayda deegaanadaasi u dhalatay loogu talo galay iyo dhul beereedka loogu talo galay in la siiyo maalgashadayaasha wadaniga ah iyo ku ajanabiga ahba. Dhul beereeraadkaasi cuntada laga soo saari karayaa qiyaas malaha. 9ka gobol ee uu kililku ka kooban yahay mid waliba waxa uu leeyahay dhul



1.beeraha ku haboon. Laakiin waxa tusaale kuugu filan gobolka Goday (magaala madaxdiisuna ay tahay magaalada Goday) oo uu maro wabiga loo yaqaano Shabeele. Goobta lagu magacaabo Miiraab Goday ee ku taala galbeedka magaalada Goday waxa laga sameeyey dhaam wayn oo loogu talo galay in lagu
waraabiyo dhul ay baaxadiisu tahay 27,000 hektar. Haddii inta dhaamkan lagu waraabinayo oo kaliya sideeda loo horumariyo waxa dhacaysa in laga soo saaro cuntaddii uu kililku u baahnaa oo dhaan.
Dhulbeereedka gobolka Goday ku yaala ee wabiga Shabeele lagu waraabin karro haddii kulligii la horumariyana waxa si sahlan lagu dabooli karayaa baahida cunto oo wadanka Itoobiya 50%. Laakiin
Itoobiyada kale waxa ay leedahay 10naan wabi markaa iyadaa soo saari karta cuntada Africa oo dhan.
Carrada gobolka Goday ayaa ah nooca adduunka oo dhan ugu wanaagsan. Waxa kale oo la xaqiijiyey in gobolka Goday laga soo saari karro geedka loo yaqaano sisinta oo saliidiisa caalamka aad looga jecel
yahay. Sidaa darteed gobolka Goday waxa si sahlan looga dhigi karayaa meel laga saaro sisin loo dhoofin



karro waddamada caalamka oo dhan siiba gobolka barriga dhexe oo aad looga jecel yahay, sidaasi ayaanay Goday ku noqon kartaa dhul beereed laga soo saaro waxsoosaarka debeda loo dhoofiyo oo waddanku uu ka helo lacagta qalaad ee siraadka lagu raadinayo.



Dibucurashada iyo Saamaynteeda



Kililka 5aad intaa waxa u dheer maamul wanaaga ay dhaxalsiisay siyaasada loo yaqaano dib-ucurashada. Siyaasadaasi oo uu gadhwadeen ka yahay madaxwaynaha haatan ka arimiya Kililka 5aad Mudane Cabdi Maxamud Cumar. Siyaasadaasi mixwarkeedu waxa weeyaan in laysku dhafay maamuladii ka jiray 60ka degmo iyo 9ka gobol ee uu kililku ka kooban yahay. Degmo kasta 10kii masuul ee ugu sareeyey waxa la geeyey degmo kale oo waxa lagu soo bedelay 10 xubnood oo ka kala socda degmooyin kala duduwan. Siyaasadani kililka waxay ka hirgelisay maamul wanaag. Taasi waxaan uga jeedaa siyaasadaasi waxay keentay in ilaa xad ay yaraato qabyaaladi. Siyaasadaasi dib-u-curashadu waxay keentay in umadda somaliyeed ee kililka u dhalatay inay isbarato oo ay isdhexgasho. Berigii hore waxaa jiri jirtay in haddii adigoo ka socda Matalan degmada Gashamo ee deegaanka HAWD oo ka mid ah gobolka Dhagaxbuur in markaad tagto kasoo qaad magaalada Goday aanad arki jirin cid degmadii aad u dhalatay kasoo jeeda oo aad Goday kula kulanto ama si kale haddii loo dhigo cid aad garataba aanad arki jirin. Iminka dib-u-curashado waxay suuro gelisay in meeshii aad marto kililka degmaday doonto ha ahaato e inaad helayso cid aad garato oo ama aad isku degmo kasoo jeedaan ama aad isku gobol kasoo jeedaan. Marnaba ma qaloonaysid. Somaliduna waa inta ay rabto. Kililka dhexdiisa degmooyinka qaar waxa isu jiraan in ka badan 1500KM. sidaa darteed waa iska dabiici in marka aad ka timaado degmada Aashica ee gobolka Shiniile ee aad tagto degmada Hargele ee Gobolka Afder in aad qalootaa waa iska dabiici. Laakiin dib-u-curashadu waxay kuu haysaa asxaab ka timid gobolka Shiniile oo kugu soo dhawaysa gobolka Hargele ee ku abshir. Sidoo kale hadaad ka socoto degmada Daror oo ay hawli kaa gasho degmada DOLOADO ee gobolka Libaan waxaa halkaa marlayba aad kula kulmi doonto akhyaar
ka socota gobolka Dhagaxbuur ee sidaa ula soco. Arrinka muhiimka ahi waxa weeye in Somalidu ay tahay dad ganacsiga ku fiican sidaa darteedna ay marwalba ku hawlan yihiin isusocodka oo markaasi ay siyaasadan dib-u-curashadu ay tahay talaabadii loo baahnaa ee xoojinaysay isdhexgalka bulshada Somaliyeed ee degta kililka 5aad.



Talada aan u Hayo Dhalinyarada u Dhalatay Deegaanka HAWD.



2.Warbixinta kale ayaa ila dheeraatay ee qoraalkan waxaan uga gol leeyahay in aan ku booriyo dhalinyarada u dhalatay deegaanka HAWD ee markaasi waxkusoo baratay degmooyinka kala duwan ee Kililka 5aad iyo waliba jaamacadaha ku yaala Itoobiya kililadeeda kala duwan waxaan dhaliyaradaasi ku boorinayaa in ay si mug leh uga qayb qaataan horumarka dhaqan-dhaqaale ee haatan sida xoogan uga socda Itoobiya si guud ahaaneed si gaara ahaaneedna uga socda kililka 5aad. Dhalinyaradaasi



waxaan leeyahay waxaa laydiinka baahan yahay in aad sabir la timaadaan oo aad xilal iyo shaqooyinba ka raadsataan xafiisyada kala duwan ee uu kililku ka kooban yahay. Munaasibadan waxaan uga faaiiddaysanayaa inaan hambalyeey wiilka lagu magacaabo Xamse Xusein Ibraahim oo beer sisin ah ka samaystay meel u dhaw magaalada Goday ee gobolka Goday isaguna dhalasho ahaan kasoo jeeda degmada Gaashaamo ee gobolka Dhagaxbuur. Wiilkaasi waxa uu qorshahiisu isbedelay isagoo intuu Somaliland yimid doonayaa inuu u tahriibo Yurub. Willkaasi fikirkiisa waxa bedelay walaalkii oo Jigjiga
ganacsade ka ah, walaalkii oo isna lagu magacaabo Abdiraxmaan. Xamse da’diisu waa ilaa 25 jir. Ninkaasi waxa uu kaalmaystay dhalinyaro kale oo ay kasoo wada jeedaan gobolka Dhagaxbuur. Waxa uu Xamse
bilaabay inuu sisin ku beero wabiga Shabeele daafahiisa. Waxa uu maalgashaday dhul ilaa 20 hektar ah. Waxa uu uu rajaynayaa in maalgashigiisu uu usoo hooyo faaiido 100%. Wiilkaasi tahriibkiina wuu ka badbaaday isla markaana waxa uu higsanayaa in muddo yar gudohood uu ku noqdo ganacsade wayn oo dalkiisa iyo dadkiisaba anfaca. Markaa dhalinyaradaasi waxaan leeyahay ogaada khayraadka kala duwan ee wadanka hooyo oo iska daaya dabiicada ah intaad kililka 5aad waxku soo barataan aad usoo gudbaysaan Somaliland oo iyadaba dhalinyaradii joogtay tahriib looga taag waayay.



 



C/rashiid Axmed Guuleed
abdirashidaa@gmail.com