Wednesday, August 21, 2013

SLN:Wufuud ka socota Qaadhaan-bixiyayaasha oo ku soo Jeeda Hargeysa iyo Xukuumadda oo kala hadlaysa Mawqifkeeda Shirka Brussels


Hargeysa(GNA)-Wefti ka socda Qaadhaan bixiyayaasha Caalamka ayaa la filayaa inay Maalmaha soo socda  booqasho ku yimaadaan Somaliland, kaasoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho sidii dawlada ugala hadli lahaayeen qorshaha wada shaqayneed ee xukuumadda iyo Hay’ada ka soo farcamaha xarumahooda Nairobi.




Imaanshiyaha Weftigan ayaa daba socda kulamo ay hore Masuuliyiin ka socota Xukuumadda Somaliland kula yeesheen Magaalada Nairobi,kulamadaasoo ay kaga wada hadleen qodobo dhawr oo ay ugu weyntahay  mawqifka dawlada ee ku aadan shirka la filayo in dhawaan loogu qabto Wadanka Bilguim-ka wadamada qaadhaan bixiyayaasha iyo somaliya, kaasoo lagaga hadlayo sidii qorshe cusub loogu jeexi lahaa mucaawimooyinka la siiyo somaliya, kaasoo ay Somaliland ku gacan saydhay ka qayb-galkiisa, una aragto mid aanay waxb ka khusayn.




Ma jiro War faahfaahsan oo ka soo baxay dhinacyada weftigani ka koobanyahay ee Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah iyo Xukuumadda Somaliland, hase ahaatee Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland oo Maanta  Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu daba socdo kulamo ay dhawaan isaga iyo Wasiirka qorsheynta Qaranku kula soo yeesheen Nairobi.




“Wefti ka socda midowga Yurub Baanka aduunka iyo Qaramada Midoobay, Baanka aduunka, Midowga Yurub, kuwaasoo aanu u qeexi doono waxyaabaha aanu uga baahanahay inay naga caawiyaan iyo mawqifkayaga shirka Brusels oo wax naga khuseeyaa aanay jirin , horena aanu ugu sharaxnay, kuna qanceen”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.




Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan dawlada ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in weftigaasi ku soo jeedaan Somaliland, kana soo kicitimi doonaan Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.




Somaliland ayaa xidhiidh dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ah la leh dawlada Midowga Yurub, Qaramada midoobay iyo Baanka aduunka, kuwaasoo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba siiya waddanka, isla markaana iskaashi siyaasadeed oo qoto dheeri kala dhexeeyo.




Maaha markii ugu horaysay ee wufuud ka socota ay waddanka yimaadaan, hase ahaatee waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee ay Somaliland iyo dhinacyadani  gudaha waddanka  kaga doodaan arinta Shirka Brussels.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com